MUUQAAL CABSI LEH: Nin weerar ka gaystey xarumaha tareennada hoose ee Ney York (Tilmaamihiisa + Muuqaal)

0

(New York) 12 Abriil 2022 – Dhowr qof ayaa lagu toogtey hannaanka tareennada dhulka hoostiisa mara xaafadda Brooklyn, sida uu xaqiijiyey Booliiska New York Police Department.

Walxo la tuhunsan yahay ayaa sidoo kale laga helay Saldhigga Jidka 36-aad ee magaalada.

Ugu yaraan 5 qofood ayaa lagu toogtey isla saldhigga hoose ee jidka 36th Street ee Sunset Park xilli ay dad badani khadkaa isticmaalayeen, sida ay sheegayso warbaahinta maxalliga ah oo xiganaysa booliiska.

4 ka mid ah dhibanayaasha ayaa laga helay Jidka 36-aad, halka midka kale laga qaaday Jidka 25-aad, sida laga xigtey WABC.


La tuhunsanaha ayaa lagu soo warramayaa inuu yahay qof lab madow ah, oo qiyaastii “dherer ahaan 5’5 ah, culeyskiisuna wuxuu u dhexeeyaa 175 iyo 180 rodol.

Wuxuu ku labisnaa jaakadda dhismaha ee liimiga (oranje) ah wuxuuna gashmaa maaskarada gaaska.

Wararka ayaa sheegaya in uu soo tuuray “walax aan la carrabaabin” oo uu deeto bilaabay in uu toogto dadkii xoonsanaa xarunta tareennada Sunset Park.

Hadalsame Media