DF Itoobiya oo qaadaysa tillaabo ay ku kordhinayso Jaadka ay keento Somalia (Imisa ayay ka heshay?)

0

(Addis Ababa) 12 Abriil 2022 – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa kordhinaysa qiimaha jaadka ay u dhiifso Soomaaliya.

280 milyan oo Doollar ayey Itoobiya ka heshay dhoofinta jaadka 8-dii bilood ee la soo dhaafay.

Dakhliga ugu badan ee Itoobiya waa lacagta adag uga soo xaroota Jaadka, marka la yimaaddo bunka iyo dahabka.

DF Somalia ayaa dabayaaqadii Juun ee sanadkii tegey ee 2021 waxay sheegtay inay Jaadka Itoobiya kusoo bedelanayso kalluunka Somalia, wax lagu sheegay heshiiskii ugu horreeyey ee ganacsi ee rasmi ah ee dhexsada labada dal oo 40 sano ka badan col ahaa.

Itoobiya ayaa haatan loo xirey Suuqa Jaadka Somalia, taasoo lagu sheegay siyaasad cadaalad darro ku ah ganacsatadii ku xirnayd Kenya, islamarkaana aan ka tarjumayn danaha Somalia oo ganacsi badan iyo dano ka badan kuwa Itoobiya ku leh Kenya.

Hadalsame Media

Facebook Comments