”Telefoonka waxaa iska lahaa wiil jirran!” – Ronaldo oo baxar wayn qoorta kula jira kaddib guuldarradii Everton (Daawo)

0

(Liverpool) 10 Abriil 2022 – Cristiano Ronaldo ayaa raalligelin qoraal ah oo uu Instagram soo dhigay ka bixiyey falfal xumo uu ku kacay Sabtigii kaddib markii uu dhulka ku tuuray telefoonka taageere ka tirsan Everton.

Shilkan ayaa dhacay kulankii shalaytoole kooxdiisa Manchester United guuldarro 1-0 ah ay uga badisay kooxda Everton ee ku dheesha Goodison Park, waxaana muuqaallo ay Twitter ku faafiyeen ‘EvertonHub’, laga arkayaa Ronaldo oo telka dhulka ku dhufanaya iyadoo la maqlayo taageere ku qayliya: “Qashin baad tahay!”

Naadiga Man United ayaa ku dhawaaqay inuu arrintan baarayo, ha yeeshee, Ronaldo ayaa lasoo deg degey qirashada khaladkiisa isagoo soo qoray:

“Waxaan jeclaan lahaa inaan raalligelin ka bixiyo xanaaqayga, iyo haddii ay suuragal tahay waxaan jeclaan lahaa inaan taageerahaa ku casuumo inuu daawado ciyaar ka dhacaysa Old Trafford si aan u muujiyo dhaqan wanaag ciyaareed.”

Yeelkeede, waxaa soo jawaabtey hooyada qofka uu telefoonka ka jejebiyey oo ah wiil autism qaba oo la yiraahdo Jack.

“Jack isla markii ma fahmin waxa dhab ahaan dhacay (jirradiisa dartiis) ilaa uu guriga ka yimid.” Hadda wuu xanaaqsan yahay. Waxay ahayd markii ugu horreeysey garoonka. Ronaldo ayaa wax walba ku burburiyay daqiiqado gudahood. Mar dambe sooma wadayo.” ayay tiri hooyadiis.

Hadalsame Media