”Sidan kuma sii wada shaqayn karno!” – Laba dal oo NATO ah oo isku fiicnaa oo ku ”kala dhintay” go’aammada dagaalka Ruushka & Ukraine

0

(Hadalsame) 10 Abriil 2022 Ra’iisul Wasaare Xigeenka Poland, Jaroslaw Kaczynski, oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu sarreeya bariga Yurub, ayaa sheegay Jimcihii in wadashaqaynta Hungary aysan suurtagal ahayn haddii uusan Ra’iisul Wasaare Viktor Orban la safan Kiev.

Waxaa xusid mudan in kahor dagaalka Ukraine, Poland iyo Hungary waxay ahaayeen xulafo adag.

Kaczynski wuxuu ku sheegay mar uu wareysi uu siiyey raadiye maxalli ah inuu aragti xun “oo aan mugdi ku jirin” uu ka leeyahay diidmada Orban ee ah inuu mowqif adag ka qaato Ruushka kaddib weerarkii millateri ee Ukraine.

“Marka Orban uu sheegayo inuusan arki karin waxa ka dhacay Bucha, waa in lagula taliyaa inuu booqdo dhakhtarka indhaha,” ayuu yiri Kaczynski, isaga oo tixraacaya diidmada Orban ee ah in uu Ruushka ku eedeeyo dilka dadka rayidka ah ee magaalada Bucha ee Ukraine.

Ruushka ayaa si adag u diidey eedeymahaas, isagoo ku andacoonaya in Ciidamada Ukraine ay sameeyeen “daandaansi naxariis darro ah oo ay dani ka dambayso,” iyagoo dalbaday in Qaramada Midoobey ay baaritaan ku sameyso dhacdada.

Xisbiga Fidesz ee Orban ayaa guul laxaad leh ka helay doorashadii isbuucii hore, Orban wuxuu shaaca ka qaaday kaddib in “isbaheysiga dalkiisa kala dhexeeya Poland uu yahay in la adkeeyo maadaama aanay cidina kaligeed ku sii jiri karin duufaantan.”

Taasi waxay ahaan lahayd arrin “fiican, haddii ay dhacdo in Viktor Orban uu beddelo moowqifkiisa,” ayuu yiri Kaczynski, kahor inta aanu ka digin in “aanay usii wada shaqayn karin sidii waagii hore haddii ay tani sii socoto.”

Poland iyo Hungary caadiyan waa xulafo adag. Labadaba waxaa hoggaaminaya dowlado muxaafid ah oo midig ah,  iyadoo uu xitaa Midowga Yurub ugu hanjabey in uu dhaqaalaha ka celin doono labadaba siyaasadahooda soo galooti nacaybka ah ee ka dhanka ah dadka laga tirada badan yahay dartood.

Hadalsame Media