RW Rooble oo la kulmay beesha caalamka & waxa laga yeelayo dhaarintii madlanayd ee Xildhibaannada + Sawirro

0

(Muqdisho) 10 Abriil 2022 – RW Max’ed Xuseen Rooble, ayaa Muqdisho kula kulmay xubno ka tirsan saaxiibbada caalamiga ah ee Somalia oo ay ku jiraan Danjirayaasha dalalka shisheeye u jooga halkaasi.

RW Rooble ayaa Xalane gudihiisa kula kulmay madaxda beesha caalamka oo uu ku ku jiro Ergayga QM ee Somalia, James Swan.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka,” ayaa lagu bilaabay qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Rooble.

“Waxa ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya iyo u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee la qorsheeyay 14-ka bishan.” Ayaa la daba dhigay.

Tan ayaa ka dhigan in ay sideedii u soconayso dhaarta Xildhibaannada Baarlamanka ee 11-aad oo ay haatan 200 oo ka tirsani shahaadooyinka qaateen.

Tafaasiil intaa dheer laguma sheegin qoraalka uu Rooble soo saaray sida arrimaha murugsan ee haatan taagan sida eryidda Danjiraha AU oo isla ururkaa ka helay taageero madax salaax ah, waloow ay aad ugu badan tahay inuu tago.

Halkan ka DAAWO sawirrada…

Hadalsame Media