Wefdi uu horkacayo MW Galmudug oo ku wajahan Baydhabo (Xeer jabab la hadal hayo oo ku saabsab kuraasida sare loo hayo)

0

(Hadalsame) 08 Abriil 2022 – Wefdi uu horkacayo Madaxwaynaha Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa u kicitimaya magaalada Bayadhabo oo ah caasimadda KMG ah ee Maamulka KG Somalia.

Qoorqoor oo ay wehliyaan Xildhibaano iyo Senatarro ka tirsan labada aqal ayaa ku wajahan Baydhabo, iyagoo halkaa u tegaya si xal looga gaaro caqabada ku timid doorashada iyo sidii tabashada Koofur Galbeed loo xalin lahaa.

Xogo kale oo arrintan ku xiriirsan balse aan wefdigan khusayn ayaa dhanka kale sheegaya in xeer jajab laga gaari rabo 4-ta xildhibaan ee lagu dheggan yahay ee uu muranku ka dhashay.

Waxaa uu warkaasi  sheegayaa in 2 kursi sidoodii hore loo dhaafi karo, halka labada kursi ee kale oo ah midka lagu haysto Fahad Yaasiin iyo midka tartankiisa loo diidey Prof Jawaari markale si daah-furan loogu tartamayo iyadoo doorashada lagu qabanayo Muqdisho, sida ay xogtani sheegayso.

Hadalsame Media