ABUURKII GEERIDA: Ruushka oo Ukraine ku ridey hub kale oo naadir ah oo aan abid dagaal horay loogu isticmaalin + Sawirro

0

(Hadalsame) 08 Abriil 2022 – Ciidamada Dhulka ee Ruushka ayay u badan tahay inay Ukraine u adeegsadaan nidaamka loo yaqaan ”saalbada buuxda” oo ah gantaalo miino xambaar ah oo lagu magacaabo ISDM Zemledeliye, iyadoo la sheegay inay tahay markii ugu horreeysey ee hubkan lagu isticmaalo dagaal furan, sida ay sheegayaan webabka ka hadla arrimaha ciidanku.

Muuqaal lagu faafiyey shabakadaha bulshada ayaa xaqiijinaya arrintan, iyadoo ilo-wareedyo ku sugan Ukraine ay sheegayaan in nidaamkan lagu arkay gobolka Kharkiv 26-kii iyo 27-kii bishii Maarso ee tagtay.

Waa maxay nidaamka ISDM Zemledeliye sideese u shaqeeyaa?

Zemledeliye af Ruush wuxuu ku noqonayaa Beer abuur, taas oo loola jeedo habka uu hubkani u shaqeeyo – oo ah firdhinta miiyooyin lagu daadinayo dhul bed ballaaran. Ruushka ayaa markii ugu horreeysey ISDM Zemledeliye ku soo bandhigay Fagaaraha Cas xilli dhoollatus milliteri ay ku maamuusayeen 75-guuradii ka soo wareegatey guushii Midowgii Soofiyeeti ee Dagaalkii 2-aad min 1941-1945 ay kaga hortageen Nazi-gii Jarmanka.

Arrintani waxay dhacday Maajo 9, 2020, in kasta oo masiibada COVID-19 ay ka horjoogsatey millateriga Ruushka inay soo bandhigaan qalab millateri oo kale oo aad u badan. Marka loo eego macluumaad aan la xaqiijin, 2020 waa markii ugu horreeysey ee hubkan lagu qalabeeyo ciidamada dhulka ee Ruushka.

Nidaamkan oo u samaysan sida PM-ka, wuxuu ka kooban yahay 50 dhuumood oo gantaalo ku cabaysan yihiin [laba baloog oo min 25 ah midkiiba] si midkiiba looga gano gantaal 122mm ah oo sida hub isku dheggan [miinada la abuurayo]. Miinadu waxay ku dheggan xagga dambe ee Kamaz 6560 8 × 8, kaas oo leh dabool gaashaaman. Gantaal kasta oo 122mm ah wuxuu gaarayaa masaafo u dhaxaysa 5 ilaa 15 km.

Gantaal kastaa waxa uu ka kooban yahay ama sidaa dhawr iyo toban dersin oo miinooyinka lidka taangiyada iyo kuwa lidka dadka.

Nidaamka laftiisa ayaa leh shiish saxan si marka gantaal kasta la rido, ay miinooyinka ku jiraa ay ugu kala firdhiyaan nidaam si adag loo qeexay, kaasoo lagu xakamaynayo barnaamij software oo abuuri kara beer miino oo si adag u qaabaysan.

Xogtaan ayaa waxaa deeto lala wadaagayaa cutubyada kale oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Ruushka ee ku sugan halkaasi, si ay u ogaadaan halka ay miinooyinkaasi yaallaan ugana fogaadaan oo iskaga jiraan.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media