Tillaabo siyaasadeed oo uu qaaday MW Muuse Biixi oo ay dadku ku fasireen mid lagu qaadan rabo lacagta Suuqa Waaheen (Daawo)

0

(Hargaysa) 08 Abriil 2022 – MW Somaliland ee Muuse Biixi ayaa mar qura ku dhawaaqay inuu arrimaha maamulka iyo dhul bixinta la hoos geeyey Wasaaradda Howlaha Guud ee maamulkaasi.

Biixi ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay wax la yiraahdo ”Siyaasadda Maamulka Dhulka”, isagoo sheegay in uu wareegto ku maamulayo arrimaha siyaasadda maamulka dhulka.

Muuse ayaa ku qiil samaystay in qorshahan lagu ansixiyey Shirkii Golaha Wasiirrada ee 86-aad ee qabsoomay 20-kii Jannaayo sanadkan 2022, isna uu dhaqangelinayo oo qura.

Yeelkeede, dadwaynaha ayaa durba ka fal-celiyey tillaabadan uu qaaday Biixi oo kusoo beegantay jeer ay Duqa Magaalada Hargaysa isku hayaan cidda maamulaysa howlaha deeqaha iyo dib u dhiska Suuqa Waaheen oo ay durba malaayiin doollar ku bixiyeen ganacsatada iyo DF Somalia.

Dadka ayaa qorshahan ku tilmaamay mid aan musuq ka marnayn lana doonayo in lagu qaato lacagaha qaaraanka iyo deeqda ah ee loogu yaboohayo dadkii ku hanti beelay Suuqa Waaheen.

Siyaasadda Somaliland oo dhan ayaa beryahan dambe u muuqata mid gebigeedba kusoo koobantay ka hadalka Suuqa Waaheen, iyadoo ay shacabku taa u fahmeen in aanu ahayn danayn in shacabka wax loo qabtee loo jeedo lacagta malaayiinta ah ee qaar la bixiyey qaarna la filayo in loogu qaaraamo dib u dhiska suuqaasi.

Hadalsame Media