Kooxda Man City oo ka cabsi qabta in la marsiiyo jidkii Chelsea (Malaayiin aan canshuur laga bixin oo lagu haysto + Caddaymo)

0
Trempler Manchester City Collage

(Hadalsame) 08 Abriil 2022 – Warbixin uu soo saaray Der Spiegel ayaa lagu sheegay in Roberto Mancini uu qayb ka mid ah magdhowgiisii Manchester City ku helay isaga oo u maray heshiis qandaraas oo mala awaal ah.

Macallinka Xulka Talyaaniga waxa uu Manchester City la saxiixday 2009 waxana uu xilka sii hayey ilaa 2013-kii, isagoo kula guulaystey horyaalkii ugu horreeyay ee kooxda 44 sanadood 2012. Waxa loo arkaa mid muhim u ah taariikhda sare kaca kooxda, laakiin hadda waxa jira mugdi ku soo fool leh waayihiisii kooxda Etihad Stadium.

Kadib cunaqabateyn lagu soo rogey milkiilaha kooxda Chelsea ee Roman Abramovich, wargeyska Jarmalka kasoo baxa ee Dier Spiegel ayaa daabacay baaritaan ku saabsan kooxaha iyo ciyaartoyda la sheegay in ay lacago ka qaateen hay’adaha maamul ee dowladaha kalitaliska ah waxaana dadkaa ku lug leh tababaraha Italy Roberto Mancini, waxaana loo malaynayaa in uu qayb wayn oo ka mid ah gunno magdhow ahayd uu u qaatay si qarsoodi ah iyada oo loo marayo qandaraas bug ah.

Warbixinta ayaa faahfaahin ka bixisay tirada lacagta heshiiska Mancini iyo Manchester City, iyadoo lagu lifaaqay nuqul ka mid ah heshiiska, iyadoo halaygii Sampdoria iyo Lazio la siiyey £1.4m sanadkii oo lagu daray £4m oo bareemiyo ah.

Si kastaba ha ahaatee, isla maalintaas, wuxuu sidoo kale saxiixay wax u muuqda qandaraas been abuur ah oo uu la galay kooxda Al Jazira kaasoo ku kacaya £ 1.7m iyadoo khidmadaha ‘lagu shubay akoonno qarsoodi ah iyada oo aan laga jarin wax canshuur ah. Der Spiegel ayaa warkan ku lifaaqday heshiiska iyo email-lada muujinaya saxiixyada Simon Pearce iyo Waaxda Maaliyadda ee Manchester City, kuwaas oo bixinayey lacagahan.

Warqadaha qaan-sheegtooyinka waxa ka muuqdey in lacagaha ay kaligeed bixisay Al Jazira: IIS waxay qaansheegyadeeda u diraysey Manchester City, kooxduna waxay lacagta u diri jirtay ADUG, kaddibna waxay usii diri jirtey Al Jazira, “ayaa lagu yiri warbixinta.

‘Nidaamka waxaa sifeeyay qof shaqaale ka ahaa Man City bishii Luulyo 2012, iyadoo Simon Pearce uu xaqiijiyay jirtaanka nidaamkan marka la eego aragtida Imaaraadka.’

Hadalsame Media