”Waxaan NATO ku biiraynaa todobaadyo gudohood!” – Siyaasi sheegay in Finland & Sweden ay hal mar ku wada biiri karaan

0

(Helsinki) 08 Abriil 2022 – Finland waxaa ay sheegtay in ay todobaadyo ka xigaan gudbinta codsiga ku biirista NATO in kasta oo Ruushku ka digayo inay sugi doonaan ‘burburka dalkooda’, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas ayaa maanta sheegay.

Dalkan Woqooyiga Yurub dhaca, oo xuduud dheer la leh Ruushka, islamarkaana ay duullaan ku qaadeen Ciidamada Casi 1939-kii, ayaan waligiis xubin ka noqon xulafada difaaca dagaalkii qaboobaa ee NATO, taa beddelkeedana waxay door bideen inay iskood u abaabushaan difaacooda.

Yeelkeede, tan iyo markii uu Ruushku ku duuley Ukraine bishii Febraayo, ra’yi ururin ay sameeyeen warbaahinta Finland ayaa muujisay isbeddel deg deg ah oo ku dhacay ra’yiga dadwaynaha ah iyada oo ay aqlabiyaddu hadda doorbidayaan ku biirista.

Alexander Stubb, oo madax ka ahaa Dowladda dalkan Nordic-ka Yurub sannadihii 2014 iyo 2015, ayaa sheegay inay go’aansan karaan inay ku biiraan xulafada millateriga NATO sida ugu dhaqsaha badan wixii Maajo (May) ka bilowda.

Wuxuu yiri: “Bilowgii dagaalka waxaan iri gardarrada Putin waxay ku kaxayn doontaa Finland iyo Sweden inay dalbadaan xubinnimada NATO.

“Waxaan iri ma aha arrin maalmo ama toddobaadyo ah, laakiin waxay ahayd bilo. Waqtiga dib-u-eegista: Finland waxay codsan doontaa toddobaadyo gudahood, ugu dambayn Maajo. Isweden way ku xigtaa, ama waaba isku mar.” ayuu raaciyey.

Xildhibaanka Ruushka ee Vladimir Dzhabarov ayaa isna sheegay in aysan u badnayn in ‘Finnishka laftoodu ay saxiixi doonaan kaadhka burburinta dalkooda’, isaga oo ku hanjabey in uu mar kale iman doono duullaankii Ukraine oo qayb ka mid ah ka dhashay rabitaankooda ah in ay ku biiraan NATO.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa isna intaa ku daray shalay haddii Finland iyo Sweden ay ku biiraan NATO uu markaas Ruushku raadin doonio nuu ‘isku dheelitiro xaaladda’ oo uu waafajinayo sida uu doonayo wax loo arkay digniin kale oo si khafiif ah u faydan.

Hadalsame Media