GARQAAD: Lafta-gareen oo mid ku gar leh, mid ku gar daran midna u gooysey!

0

(Hadalsame) 07 Abriil 2022 – MW KG Somalia, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa jeediyey khudbad siyaabo kala geddisan fasiraado looga bixiyey oo ay ka timid fal-celin kala duwan, waloow sidii caadada noo ahayd aan miisaan la saarine ay dad badani u kala bexeen qaar iska taageeray iyo qaar iska mucaaraday.

Haddaba, waxaannu dul istaagaynaa dhowr qodob oo aannu ka tusmaynnay khudbadda MW KG Somalia, kuwaasoo iskugu jira kuwo uu isagu gar ku leeyahay, kuwo uu ku gardaran yahay, iyo kuwo ka hoos baxay.

1GARTIISA – Marka 1-aad waa looga garaabi karaa garranka ku saabsan inuu dareensan yahay in Maamulka KG kaligii 3 xildhibaan looga dhigo tiiyoo aan waxba laga qaban maamullada kale. Micnuhu ma aha inuu Lafta-gareen malag ahaa, runtii wuxuu sameeyey qaar ka mid ah fadeexadihii iyo sharci darrooyinkii ugu xumaa doorashadan, balse waa run waxaa loogu garaabi lahaa inay maamullada kale sidoo kale ama si u dhow yeeleen.

2KHALADKA – Gobolka KG Somali waa la wada degaa si kastoo loogu kala badan yahayna waa gobol ka mid ah kuwa ugu ashaamudsan ama ugu wadaraysan ee ay Soomaalidu ku dhan tahay, marka waa ceeb, mas’uuliyad darro iyo garasho xumi in Lafta-gareen uu maamulka u fahmo astaan qabiil, isaga kaliyana ma ahane Soomaali kale ayaa isku khalda ninka Maamulka ka madax ah, qabiilkiisa iyo gobolkii oo ah hay’ad maamul (administrative institution) ay tahay inuu xaq ku yeesho qof kasta oo ku dhaqan.

3MID AAN GAR AHAYNIn xildhibaanno heer federaal ah la ooto oo uu Guddoomiye Gobol (DC) ku amar ku taagleeyo oo uu sidii badeeco uu soo geddistey marba dhinac ula cararo waa dhaqan nooc cusub ah oo dhowaangal ku ah siyaasadda dalka, gaar ahaan xilliyada doorashada sidani ma dhici jirin.

Xildhibaanku waa metele qaran, xitaa qabiilka lagu soo xulay khasab ma aha inuu ku meeraysto, balse kaliya wuu kusoo baxay oo sidaa ayaa xal la mooday e micnuhu waa in xildhibaanku uu qaran u taagan yahay. Marka sidee la iskugu hallayn karaa qiyamka xildhibaan qaran oo u dacayaysan guddoomiye gobol. Waa arrin u baahan in halkeeda lagu hakiyo oo aan micne samaynin.

4MIDDA U GOOYSEY – Waa runtii Lafta-gareen iimaha uu sheegay qaarkood sida in ay gobollada kaleba wax is daba mariyeen, balse taasi meesha ka saari mayso in isagu uu raggaa qaarkood uga duwan yahay laba arrimood:

a) In aanu isaga laftiisu qabanin doorasho xor iyo xalaal ah oo uu rag tartami lahaa xitaa u diidey inay Baydhabo tagaan.

b) In lagu xanto inuusan ahayn qof madaxbannaan oo uu maamullada kale dheer yahay inuu yahay nin wax ku samaynaya yeerinta qof kale.

Gebagebadii, waxaa wanaagsan oo dal iyo dadba u dan ah in aan dib loo gurin raadkii horay loogu soo jabay ee qabyaaladda oo aad mooddo in 3-dii sanadood ee ugu dambeeyey ay weliba aad uga sii darayso, waayo qofna waxba ku heli maayo oo qaxarkeedi waa midka weli naga dhex qiiqaya.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media