MW Farmaajo oo beesha caalamka u qoray warqad Ingiriisi ah oo ka yara duwan tii Soomaaliga ahayd (Codsi ku jira iyo cillad farsamo)

0

(Muqdisho) 07 Abriil 2022 – MW Farmaajo ayaa warqad ka yara duwan middii af Soomaaliga ahayd uga hadlay moowqifkiisa ku aadday cayrinta Ergayga AU.

Madaxwaynaha qoraalka oo ku socda AU balse guud ahaan camimaya siyaasadda dibedda Somalia, ku faahfaahiyey in xiriirka caalamiga ah lagu wajaho wada tashi balse aan loo baahnayn “qiiro iyo dano gaar ah oo aan waqtiyaysnayn wada tashina ku iman”, sida uu yiri.

Waxaa ugu xiise badan warqaddanina ay uga yara duwan tahay midda Soomaaliga ah, inuu qoraalka qaybta ku faray Wasaarad Dibadeedka DF inay soo gudbiso raalli gelin rasmi ah oo la siinayo Midowga Afrika, iyadoo looga cudur daaranayo go’aan “hal dhinac ah oo uu qaatay xafiis aan ogolaansho u haysan.”

Qoraalka oo laga ilaaliyey in lagu xuso magaca RW Rooble oo ah ninka go’aanka soo saaray laguna koobay “xafiis aan ogolaansho haysan”, ayay cilladdu tahay in WAD ay isaga hoos tagto, sidoo kalena uusan Madaxwaynuhu xaq u lahayn inuu toos wasiir u faro shaqadiisa maadaama ay Golaha Wasiiradu hoos tagaan Wasiirka Koowaad.

Arrintan ayaa sidoo kale ka hor imanaysa oo aan waafaqaynin doodda Madaxwaynaha oo ah inaan isaga lagala tashan go’aanka Madeira lagu eryey oo hadda isla isagii wasaarad faraya inay qaadato go’aan aysan kala tashan Raysal Wasaaraha.

Ugu dambayn, waxaa muuqata in yooyootanka labada xafiis ee ka mid ah kuwa dalka ugu sarreeya uu meel xun ku dhammaanayo haddii aan ugu yaraan la kala saarin waxa la isku hayo iyo danta qaranka iyadoo xeerka la tixgelinayo.

Hadalsame Media