DEG DEG: Weerarkii 4-aad oo ka dhacay Tel Aviv (Dhimasho & dhaawac jira)

0

(Tel Aviv) 07 Abriil 2022 – Saraakiisha booliiska ee Ichilov Medical Center ayaa sheegay in 2 ka mid ahayd dad ku dhaawacmay weerar ka dhacay Tel Aviv ay dhinteen.

Isbitaalka ayaa dawanaya 8 qof oo dhaawacmay: 4 ka mid ah dadkan xaaladdoodu waa halis, 2 waa dhexdhexaad ay xaaladoodu ka dari karto, halka 2 ay roon yihiin.

Nin qorile ah ayaa rasaas huwiyey dad ku sugan faras magaalaha Tel Aviv gaar ahaan Dizengoff Street, oo ah jid caan ah oo ay ka buuxaan makhaayado iyo baarar.

Booliiska ayaa sheegay in la toogtey ninkii weerarka gaystey halka uu cararar qof kale.

Itai Niger, oo ku nool goobta weerarka, ayaa Middle East Eye u sheegay in uu booliis badani haatan meesha dhooban yahay oo ay cabsidu aad u badan tahay.

Weerarkan ayaa imanaya todobaad uun kaddib markii uu nin 5 qof ku diley duleedka Tel Aviv, kaasoo isna yimid kaddib markii ay dheceen 2 weerar oo kasii horreeyey oo maalmo yar kasii hor ay 6 qofi ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Hadalsame Media