”Jawaabteennu waxay noqon doontaa mid nukliyeer ah!” – Kuuriyada Woqooyi oo markii 2-aad u gooddisey Koonfurta

0

(Hadalsame) 05 Abriil 2022 – Ciidamada Nukliyeerka ku qalabaysan ee Pyongyang ayaan lahaan doonaan doorasho kale oo aan ka ahayn inay nukliyeer ku jawaabaan haddii Koonfurtu ay go’aansato inay weerarto dalkooda, Kim Yo Jong, oo ah La-taliyaha muhiimka ah ee walaalkeed, hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un, ayaa sidaa ku gooddisey.

Waxay ahayd digniinteedii labaad saddex maalmood gudahood, kaddib sheegashadii Seoul ee ahayd inay qaadi karto weerar horudhac ah oo ka dhan ah deriskeeda.

“Haddii ay dhacdo in Kuuriyada Koonfureed ay qaaddo weerar millateri oo naga dhan ah, ciidamadeenna nukliyeerku waxa ay ku khasbanaan doonaan inay hawshooda qabsadaan,” ayay tiri sida ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee dowladda ee KCNA.

Seoul “Waxay la kulmi doontaa masiibo aad u xun oo aan la qiyaasi karin, haddii ciidankeedu uu ku xadgudbo xitaa taako ka mid ah dhulkeenna,” ayay Kim raacisay.

“Warkeennu ma ahan hanjabaad,” laakiin waa kaliya sharraxaad ku saabsan sida Pyongyang ay uga fal-celin doonto ficil kasta oo “taxadir la’aan ah ama qar iska xoornimo ah” oo uu qaado deriskeennu,” ayay ku gooddisey Kim oo ah xubin ka tirsan Guddiga Arrimaha Gobolka ee Waqooyiga Kuuriya.

Waxay tixraacaysey hadalladii usbuucii hore ee Wasiirka Gaashaandhigga Kuuriyada Koonfureed, Suh Wook, kaas oo sheegay suurtagalnimada weerar kahortag ah oo ka dhan ah Pyongyang.

Seoul waxay “si sax ah oo degdeg ah u garaaci kartaa bartilmaameed kasta” oo Waqooyiga ku yaalla iyada oo adeegsanaysa hub uu shiishkiisu saxan yahay, ayuu ku adkaystay.

“Weerar kasta oo kedis ah oo lagu qaado waddan nukliyeer haysta waa riyo waalan.” ayay ka digyey Kim oo horay wasiirka ugu tilmaantay “mid waalan.”

Hadalsame Media