Maraykanka oo ”cabsi” uu Ruushka ka qabo darteed u qariyey tijaabada gantaal guuxiisa ka dheereeya (Imisa dal baa haysata?)

0

(Hadalsame) 05 Abriil 2022 – Ciidanka Xoogga Dalka Maraykanka ayaa bishii tagtay si qarsoodi ah u tijaabiyey gantaal guuxiisa ka dheereeya iyagoo la aamusnaa muddo 2 todobaad ah si ay uga fogaadaan inay ka caraysiiyaan Madax Kutiga Ruushka, sida uu u dhigay Daily Mail.

Tijaabadan oo dhacday bartamihii bishii Maarso ayaa timid xilli uu MW Joe Biden uu u safri rabey Yurub si uu ugala hadlo xiisadda ka dhalatay weerarka Ruushka ee Ukraine, sida uu faafiyey CNN, oo xogo badan sii daayey.

Waxa hubkan lagu tijaabiyay xeebta galbeed, waana gantaal guuxiisa ka dheereeya oo ah nooc hawo sii daynaya (HAWC), kaasoo laga soo riday dayuurad B-52 ah.

Matoorrada xoojiya gantaalkan ayaa marka hore hubkan ku riixaya xowli aad u sarreeya kahor inta aanu daarmin matoor hawada cabaya (scramjet) oo iyada ka helaya xoogga uu wax ku riixayo, kaasoo gaari kara ugu yaraan xawaare 5 jeer guuxiisa ka dheereeya, sida ay sheegtay Hay’adda Mashaariicda Cilmi-baarista Sare ee Difaaca.

Gantaalkan ayaa ku duulay joog aad u sarreeya oo gaaraya 65,000 oo cagood muddo 300 oo mayl ah, iyadoo uu Maraykanku uga fal-celinayo nooca isna guuxiisa ka dheereeya ee Ruush-sameega ah ee Kinzhal oo ah gantaalkii ugu horreeyey ee noocan ah ee abid dagaal furan lagu adeegsado.

Maraykanka ayaa sidoo kale haatan kusoo biiraya 3-da dal ee qura ee dunida haysta hubka noocan ah oo uu ugu horreeyo Ruushka, kaddib Shiinaha oo haysta D-17.

Hadalsame Media

 

.