Tillaabo lagu baaqay in deg deg looga qaado maamulka Hay’adda Nabad Sugidda NISA

0

(Hadalsame) 05 Abriil 2022 – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke, ayaa ku biiray siyaasiyiinta ka falcelinaysa qoraalkii doodda kulul dhaliyey ee kasoo baxay NISA, kaasoo lagu sheegay in ay ka ”war heleen qorshe lagu maleegayo dilka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.”

Cumar Cabdirashiid ayaa haddaba qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku baaqay in deg deg loo qaado tillaabo lagu xakaymayo galaangalka Nabad Sugidda NISA, oo haatan u muuqata mid gacanta u gashay hal dhinac, kana baxday waajibkii qaran ee saarnaa.

”Si kastaba ha ahaatee, digniintii ugu dambeysay ee Twitter-ka NISA waxa ay muujineysaa xaaladda argagax ee N&N ee ku aaddan qabsoomida doorashada,” ayuu qoraalka ku bilaabay Sharma’arke.

”Haddii aan la soo saarin tillaabooyin ku filan oo lagu xakamaynayo madaxda sare ee NISA, hay’addu waxay noqon doontaa tiyaatarka lagu qorshaynayo hawlo xunxun oo khatar gelin doona doorashada.” ayuu raaciyey.

Arintan ayay dadwayne fara badan oo nooc kasta ka koobani ugu tilmaameen war aan laga fiirsan oo keenaya natiijo ka xun ujeedkii laga lahaa in qoraal noocan xilligan xasaasiga ah lasoo gudbiyo, tiiyoo uu horay u jirey tuhun dugsanaya kalsooni darrooyin badan.

Hadalsame Media