Somaliland oo ka hadashay waxa ay ka yeelayso in madax ka tirsan DF Somalia ay Hargaysa tagaan (Daawo)

0

(Hargaysa) 04 Abriil 2022 – Wasiir Gudeedka Somaliland iyo Duqa Magaalada Hargaysa ayaa ka hadlay xaaladda Suuqa Waaheen ee beri dhowayd gubtey.

Wasiir Max’ed Kaahin iyo Duqa Magaalada Hargaysa Cabdikariin Mooge ayaa sheegay xilligii loo qabtay inay dadku wixii u badbaadey kala baxaan suuqa oo maanta ku ekayd haatan loogu daray 48 saacadood oo kale.

Kaahin ayaa sheegay in maadaama uu weli suuqu is dhex yaallo meelaha qaarkoodna uu weli ka soconayo qaac suus ah aan dadka lagu fasixi karin oo aanay ammaan ahayn.

Mar la waydiiyey in ay aqbalayaan inay Hargaysa tagaan madaxda Somalia wuxuu ku gaabsaday in aanay jirin “cid ilaa haatan si rasmi ah u lasoo xiriirtey oo ay jawaab bixinayaan marka lala soo hadlo.

Arrintan ayaa ka dhigan inuu jiro woxooggaa carrab laalaadin ah oo arrintaa ku saabsan walow aanu weli jirin go’aan rasmi ah labada dhinacba.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media