Dalkii ugu horreeyey oo reer Galbeed ah oo cayriyey Danjire Ruush ah (Mid kale oo 5 maalmood u qabtay diblomaasiyiin xayn ah)

0

(Hadalsame) 04 Abriil 2022 – Dalka yar ee Lithuania ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee Midowga Yurub ah ee erya Danjirihii Ruushka u fadhiyay dalkooda duullaanka Moscow ee dalka Ukraine dartii.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Lithuania, Gabrielius Landsbergis, ayaa sheegay in dibloomaasiga ugu sarreeya nidaamka Vilnius ee Moscow sidoo kale dib loogu yeeri doono maalmaha yar ee soo socda.

Intaa waxaa dheer, in dowladdiisu ay go’aansatay inay xiro qunsuliyadda Ruushka ee magaalada Klaipeda.

Dhanka kale, labada dal ee Baaltigga ee Lithuania iyo Latvia ayaa waxay ku dhawaaqeen horraantii Isniintan inay qorsheynayaan inay hoos u dhigaan maqaamka xiriirkooda diblomaasiyadeed ee Moscow.

“Iyadoo laga jawaabayo ficillada gardarrada ah ee aan naxariista lahayn ee Ruushku ka wado Ukraine, Dowladda Lithuania waxay samaysay go’aanka hoos loogu dhigayo heerka matalaadda diblamaasiyadeed,” ayuu yiri Landsbergis, isagoo la hadlayey saxafiyiinta.

“Safiirka Ruushku waa inuu ka tago Lithuania,” ayuu raaciyay. Diblomaasiga ugu sarreeya dalkan Baaltiga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Lithuania ay tillaabadan ku wargelisey xulafadeeda EU iyo NATO, iyaga oo ugu yeeraya dalalka kale “inay raacaan tusaalahooda.”

Intaa waxaa dheer, Landsbergis wuxuu sheegay in Danjiraha Lithuania ee Ukraine uu ku laaban doono Kiev, oo uu uga soo tegey xaaladda ammaan ee caasimadda oo sii xumaaneysa.

Waxaa intaa dheer, sida uu sheegay sarkaalku, in Dowladda Lithuania ay ka fekereyso inay xirto xudduudaha ay la leedahay dalalka ologga ah ee Ruushka iyo Belarus.

Dhanka kale, Jarmalka ayaa ilaa 40 diblomaasi oo Ruushan ah u jaray “persona non grata” iyagoo u qabtay inay 5 maalmood dalka kaga baxaan.

Xukuumadda Federaalku waxay go’aansatay inay “ku dhawaaqdo tiro aad u badan oo ka tirsan Safaaradda Ruushka aan looga baahnayn Jarmalka kuwaasoo maalin kasta oo kasoo horjeeda xorriyaddeenna, iyo wadajirka bulshada,” ayay tiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Annalena Baerbock oo goor dhow hadlaysey.

“Mar dambe uma dulqaadan doono taa.” ayay raacisay.

Hadalsame Media