”Waxaa ka dhalan kara rabshadihii 2007-dii!” – Dayuuradda Raila Odinga oo qaab qabyaaladaysan loo weeraray

0

(North Rift) 03 Abriil 2022 – Taageerayaasha musharraxnimada Raila Odinga ee dalka UK ayaa cambaareeyey weerar jimcihii lagu qaaday dayuuradda Raila oo ku sugnayd North Rift iyagoo weerarkaa oo qaab qabiil u abaabulnaa ku tilmaamay ”cawaannimo aan la aqbali karaynin.”

War Saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha cusub ee Isku-dubbaridka Ololaha UK iyo Yurub Mr Maina Gatangi, ayay ku sheegeen inay caddahay in caradii reeraysnayd ee ay siyaasiyiinta qaar ku beereen codbixiyaasha ee ku dhisan aragtida gaaban ay hadda bilaabayso inay isu rogto rabsho fulaynimo ah.

“Hogaamiyeyaashu waa in aysan khudbadahooda ku xusin hadallo qiiraysan iyo kuwo isirnimo ku dhisan oo keeni kara kicin dhinaca taageerayaashooda ah,” ayuu yiri Maina.

Weerarka ayaa fiidnimadii Jimcihii lagu qaaday dayuurad uu la socdey calan sidaha isbahaysiga Azimio One Kenya Alliance oo ah Raila Odinga kaasoo ay dhallinyaro ku dhagxiyeen Kebenes, oo ka tirsan Uasin Gishu County kaddib duugtii Mzee Jackson Kibor ee beer ku taalla Samitui.

Weerarkan ayaa burburiyey muraayadihii dayuuradda, iyadoo uu raalli gelin bixiyey musharraxa madaxwayne ee UDA, William Ruto oo weerarkan oo ay gaysteen dad loo tirinayo qoowmiyaddiisa Kalenjin ku tilmaamay ”mid nasiib darro ah.”

“Waxaan rabaa in aan Raila Odinga ka raali geliyo wixii ku dhacay. Waxay ahayd wax laga xumaado, waxaana rajeynayaa in kuwa falkan sameeyay ay ka shallaayaan wixii ay sameeyeen,” ayuu yiri Ruto oo ku sugan hoygiisa Karen.

Ilaa hadda 14 qof ayaa loo xirey falkan. Guddoomiyaha degmada Uasin Gishu Stephen Kihara ayaa isna u sheegay The Standard in 14-ka qof maxkamad la soo taagi doono maalinta Isniinta ee soo aaddan ee Abriil 4-deeda marka baaritaannada la soo gabagabeeyo.

Madaxa Ololaha Qurba-joogta ee Raila, Ali A Ali, ayaa ka digey in Kenya ay si fudud u geli karto rabshado la mid ah kuwii dhacay kahor iyo kaddib doorashadii 2007-dii, haddii madaxdu aysan dadka ku boorrinin nabadda iyo wadajirka oo aysan joojin adeegsiga hababka aan caadiga ahayn ee ololaha ee kicinta isiraysan ah.

Hadalsame Media