”Waxba waa ka tari la’nahay ee maxaan yeelnaa?!” – Cunaqabataynta ay Galbeedku Ruushka saareen oo shaqayn la’ (Ruushka oo 3 jeer faa’iidey)

0

(Hadalsame) 02 Abriil 2022 – Cunaqabataynta la saaray nidaamka Moscow ayaan ahayn mid u adeegaysa ujeeddooyinkii asalka ahaa ee laga lahaa, sida uu sheegayo Ra’iisul Wasaaraha Poland, Mateusz Morawiecki.

Tiro badan oo dowlado ah, oo ay ku jiraan xubnaha Midowga Yurub, ayaa xayiraado adag kusoo rogey Ruushka kaddib markii uu weeraray Ukraine dhammaadkii bishii Febraayo.

“Waa inaan tan si cad u iraahdaa: cunaqabataynta aanu saarnay Ruushku ilaa hadda ma shaqeeynayaan. Caddaynta ugu fiican ayaa ah sarrifka lacagta ruble-ka,” ayuu yiri Morawiecki Sabtidii.

“Heerka sarrifka ruble-ka, ayaa ku soo noqday heerkii uu ahaa kahor duullaankii Ruushka ee ka dhanka ahaa Ukraine. Maxay ka dhigan tahay? Waxay ka dhigan tahay in dhammaan tillaabooyinka dhaqaale, maaliyadeedd, miisaaniyadeedd, iyo lacageed aysan u shaqeynin sida hoggaamiyeyaasha qaarkood ay rabeen. Waxay u baahan tahay in taas cod dheer lagu sheego,” ayuu raaciyay, isagoo ka hadlayey xarun ay ku nool yihiin qaxootiga Ukraine oo ku taal Otwock oo u dhow caasimadda dalkiisa ee Warsaw.

Poland ayaa u ololaysay in cunaqabatayn adag haatan lagu soo rogo Ruushka ficilkiisa Ukraine dartii, balse sida muuqata waxay cunaqabataynta Galbeedku Ruushka ka caawisay laba arrimood;

1 – Inuu qiime laba laab ah ku iibiyo tamarta uu dunida ka iibiyo, marka laga reebo dalal yar oo uu qiime dhimis u sameeyey sida Shiinaha, Hindiya iwm.

2 – In uu ku gooddiyo in aanu tamartiisa ku iibinaynin Doollar ama Euro, taasoo gabbalka u ridaysa gacan sarraynta dhaqaale ee ay Galbeedku ku naalloonayeen tan iyo dhammaadkii Dagaalkii 2-aad.

3 – Ruushka oo Ukraine ka gaarey dantii uu ka lahaa ee ahayd in aan dalkaasi abid ku biirin NATO, weliba xilli uu burburiyey kaabayaal lagu dhisayey boqollaal sanadood oo aysan sahlanayn sida lagu soo celiyo sida kaabayaashii farsamada ciidamada iyo kuwa rayidka ah.

Horraantii todobaadkan, wuxuu RW soo tweet gareeyey in “in haddii cunaqabataynta dhaqaale ee lasoo rogey aysan Putin istaajin ay ka dhigan tahay inaysan xoogganayn in ku filan!”

Waxaa Diyaariyey; Max’ed Xaaji

Hadalsame Media