Dab 150 sano kahor dhulka dhigay magaalo caan ah oo ay cashar wayn ka baran karto Hargaysa

0

(Hadalsame) 03 Abriil 2020 – ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐—›๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฏ๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐—–๐—ต๐—ถ๐—ฐ๐—ฎ๐—ด๐—ผ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ’๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐˜†?

Dadka ku hanti beelay dabka Hargeysa ka kacay, Ilaah ha ugu baddalo wax kale oo kheyr iyo barako leh.

Sanadkii 1871, magaalada seddexaad ee ugu weyn Mareykanka, Chicago, waxa ka kacay dab xooggan oo dambas ka dhigay dhul baaxaddiisu ay tahay 9 km2.

Waxa ku dhintay 300 oo qof, waxa ku guryo beelay 100 kun oo qof. Waxa ku qasaaray hanti lagu qayaasey illaa iyo 200 oo milyan oo doolar. Kaabayaasha dhaqaale ee uu dabka burburiyay xisaab malahayn.

Dabka ka kacay Hargeysa xalay, inkastoo wali si rasmi ah loo saarin khasaarihiisa, haddana baaxaddiisu ma yareyn. Maxa laga baran karaa dabka Hargeysa ka kacay iyo kan Chicago?

Chicago, qaladkaasi dhacay cashar ayay ka baratay, oo way ka baaran degtay in marka dab uu kaco ay adkaato in si dhaqso leh loo damiyo.. Bil ka dib dabkaasi, waxa duqa magaalada loo doortay Joseph Medill oo ballan qaad ku galay in uu wax ka qaban doono meelaha ay magaalada ka nugushahay oo ay ku jirto waxa dabka keena, iyo sida loola tacaalo markaa kadib. Magaalada dib ayaa loo dhisey, iyadoo ka duwan naqshaddii hore.

Hadda waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu qurxoon caalamka. Hay’adda dab damiska Chicago, waa mid ka mid ah hay’adaha ugu miisaanka badan magaalada, waxayna xarrun ka dhigteen goobtii uu dabka ka billowdey hal qarni iyo bar kahor, si bulshad aysan u illaabin qaladkii iyo musiibadii dhacday.

Reer Hargeysa, iyo Soomaalida inteeda kaleba, waxa la gudboon inay cashar ka qaataan qaladaadka noocaasi ah ee soo laalaabta. Marka la fiiriyo inta uu dabka Hargeysa socdey, baaxaddiisa, iyo sidey u adkeyd in la damiyo, waxa kuu soo baxaysa inay muhiim tahay in la helo naqshad ka duwan sidey hadda u dhisan yihiin suuqyada ama magaalooyinka. Ugu yaraan, waa in la helaa meel ay mari karaan gaadiidka ay isticmaalaan kooxda gurmadka deg-degga ah.

Hargeysa way sameyn kartaa soo kabsasho la mid ah midda Chicago.

Waxaa Qoray: Jamaal Cusmaan

Hadalsame Media