”Ma ahayn in sadaqo la siyaasadeeyo!” – Dadwaynaha Soomaaliyeed oo ka xumaaday qaabka loo qoray warqad loogu yaboohinayo dadkii hantidu ka gubatey

0

(Hargaysa) 03 Abriil 2022 – Maamulka Somaliland oo ka jawaabaya dabka inta badan ekeeyey Suuqa Waaheen ayaa soo gudbiyey qoraal yaboohsi ah oo uu ku codsanayo in lagu caawiyo dadwaynihii ku hanti beelay suuqaasi.

Waxaa qoraalka soo bandhigtay Dowladda Hoose ee Hargaysa iyadoo lagu soo qoray lambarrada koontooyin kala geddisan oo lagu soo hagaajin karo wixii qaaraan ah, balse waxaa loo kala saaray 2 qaybood oo kala ah: Qayb lagu sheegay ”dowladaha caalamka iyo qaybta kale oo ah dadka Somaliland.”

Yeelkeede, dadwaynaha qaar ayaa arrintan ka fal-celiyey gaar ahaan dadka Soomaalida ah meel kasta ha joogeene, iyadoo ay qaarkood ku doodeen in aan xilligan oo kale loo baahnayn in lagu dhegganaado xuduudo siyaasadeed oo ay ku qurxoonayd in dadka Soomaaliyeed lagu koobo hadalka, maadaama ay arrintu tahay dad la caawinayo.

Bal aan soo qaadanno qaar ka mid ah fal-celinta dadwaynaha Soomaaliyeed:

”Muwaadiniinta Somaliland unbaa lagu koobaye. Cajaa’in Sheekow,” ayay tiri Naciima Caarif.

”Suaal? Ummdada Soomaaliyeed inteeda kale ma dadka caalamakaa?” ayuu is waydiiyey Max’ed Daahir.

War heedhe Soomaaliyi laba magac ma kala laha. Afkiinbu ma karo miyaa wixii ummadda Soomaliyeed ay soo dirayaan koontadaa halagu soo diro. Maxaad jees isaga dhigaysaan idinkoo Soomaali way ka mid ah?” ayuu ku qayliyey Daad Max’ed Khayr.

”Anagu ma wxaan ku jirnaa dowladaha calamka? Illeen wxaa lagu koobay muwaadiniinta Somaliland bise? Maxaa ka ba’aya hadday yidhaahdaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Kuwii ka kabsada Allaha ka dhigo!” ayuu qoray Cabdikaamil Cali.

Caalamka mise walaalihiin Soomaaliya?” ayay tiri Hibaaq Jaamac.

Arninka in sidan loo dhigo ma qurux badna degaannadda Soomaalida in account kala duwan loo sameeyo ayay ahayd kuwa caalamka ee ay xuseenna mid gaara loo sameeyo si nin walba wuxuu qaadhaamay loola socdo dadkuna sidaas ayay ku niyadsan yihiin in arrinkani la siyaasadeeyana maaha,” ayuu soo jeediyey Yaxye Ayman.

Annagana intee ku diraynaa muwadiniin Soomaliyeed ayaan nahaye?” ayuu waydiiyey Suldaan Ibraahim.

Marar badan ayay dhacdaa in meel aanay siyaasadi jirin ay siyaasad ka raadiyaan madax indhow-garad ah oo 30-kii sano ee tegey hor taagnaa ummadda Soomaaliyeed.

Tusaale, Faysal C Waraabe oo shalay hadlayey ayaa warkiisa kusoo daray in wax uu ku sheegay ”Wanlawayn” aanay usoo gurman, isagoo aan ka fikirin waxyaabo badan oo ay ahayd inuu ka fikiro oo faham ka muujiyo kahor inta aanu hadalkaa iska tuurin.

Hadalsame Media