Arrin dadku aad ula yaabeen oo ka dhex dhacday Suuqa Waaheen ee Gubtey (Daawo)

0

(Hargaysa) 03 Abriil 2022 – Waxaa inta badan bas beelay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargaysa, balse waxaa dhacday arrin lagu tilmaami karo mucjiso.

Xafiiska Shareecada oo ku dhex yaalla bartamaha suuqaasi ayaa ka badbaadey dabkii waynaa ee suuqaasi dhulka dhigay, tiiyoo ay jirto in xitaa uu burburay dhismihii uu ku dhex yaalley xafiiskani.

Waxaa xafiiskan ku dhex shaqaynayey culimada waawayn ee Hargaysa qaarkood sida Sh. Maxamed Cumar Dirir, Sh. Cusmaan Cali Xuseen iyo Sh. Maxamed Cali Jaamac.

Xafiiskan ayaa waxaa dhex yaalley diiwaannada arrimaha shareecada gaar ahaan kuwa qadiimiga ahaa, sida uu sheegay Sh. Maxamed Cali oo xafiiska dhexdiisa ugu warramayey hilinka Horncable TV.

Hadalsame Media