Dowladda Ingiriiska oo war kasoo saartay dabka Hargaysa (Kaalmo ay ballanqaadday)

0
LONDON, UNITED KINGDOM - MARCH 25: A police officer stands guard outside the door of 10 Downing Street in London, United Kingdom on March 25, 2021. Members of Parliament debate and vote later today on a six-month renewal of the wide-ranging government powers contained in the Coronavirus Act. (Photo by David Cliff/Anadolu Agency via Getty Images)

(Hargaysa) 02 Abriil 2022 – Xukuumadda UK ayaa ka hadashay gubashadii xalay ka bilaabatay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargaysa ee burburisey inta badan suuqaasi.

RW UK ee Boris Johnson ayaa qoraal kooban oo uu ku faafiyey barta Twitter ee rasmiga ah ku yiri:

Waxaan aad uga xumahay in aan arko dhibaatada ka dhalatay dabka Hargaysa ka kacay ee burburka intaa le’eg u gaystey suuqa furan oo ah halbowlaha dhaqaale u ah magaalada, kaasoo saameeyay ganacsiyo badan oo yar yar iyo shirkado qoysas,” ayuu ku bilaabay.

”Magaaladiinnu way kici doontaa, Ingiriiskuna wuxuu ku dedaali doonaa sidii aanu u taageeri lahayn dedaalka dib-u-dhiska Somaliland.” ayuu raaciyey.

Johnson waa madaxii ugu horreeyey ee reer Galbeed ah ee ka hadla dabka Hargaysa oo saacado aad u badan ka soconayey magaalada.

Hadalsame Media