Turkiga oo soo saaray gantaal lala hadlayo inta uu hawada ku jira oo nuugaya dhudaha raadaarka + Sawirro

0

(Ankara) 02 Abriil 2022 – Hay’adda Agabka Difaaca Turkiga ee Roketsan ayaa ku dhawaaqay inay sameeysay gantaal cusub oo ah nooca loo yaqaan Cruise-ka, kaas oo laga ridi karo dhulka, badda iyo cirka.

Gantaalkan oo lagu magacaabo Çakır, ayaa noqon doona mid cusub oo lagu qalabeeyo Ciidamada Xoogga isagoo oo leh astaamo casri ah iyo madaxyo dagaal oo wax ku ool ah, sida ay shirkaddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Gantaalkani weli wuxuu ku jiraa wejigii naqshadeynta, waxaana tijaabadiisa ugu horreeysa la qorsheeyay dabayaaqada sanadkan 2022, iyada oo ciidanka la siin doono 2023.

Waxa lagu tijaabin doonaa diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ee loo yaqaano (UCAV) Akınci, oo ah diyaarada aan duuliyaha lahayn ee ugu casrisan ee uu Turkigu dhisay, isagoo gaaraya masaafo ka badan 150 kiiloomitir (93 mayl).

Waxaan gantaalkan laga ridi karaa diyaaradaha caadiga ah, diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee daroonka, gaadiidka dhulka ee taatikada ah iyo dhanka badda. Waxaa lagu qalabayn doonaa matoorka nooca KTJ1750 turbo-jet oo ay sameeysay Kale Arge.

Waxa uu leeyahay shiish saxan oo ka dhan bartilmaameedyada ka sarreeya dhulka sida cirka, badda, iyo sidoo kale godadka waawayn ee dhulka. Waxaa uuna leeyahay astaamo ay ka mid yihiin in shiishkiisa aanay waxba u dhimaynin si kasta oo ay cimiladu u xun tahay, islamarkaana burbur xooggan gaysanaya marka uu qarxo.

Gantaalkan oo wada hababka hagidda marxaladda dhexe iyo dhamaadka oo ah marka dambe ayaa sidoo kale leh muuqaallo ka caawinaya inuu nuuga dhudaha ka imanaya raadaarka si aan loo arag.

Gantaalkan oo qaadan kara madaxyo kala geddisan ayaa sidoo kale wuxuu awood u leeyahay inuu la xiriiro aaladaha kale inta uu safarka kusii jiro sida haddii ay la socdaan gantaalo kale, taasoo ka dhigan inuu samayn karo hab-dhaqaaqyo kala duwan oo uu ku aag bedelanayo ama haddii loo baahdo daqiiqadda ugu dambaysa laga dhaafi karo oo laga leexin karo bartilmaameedkii horay loogu asteeyey.

Hadalsame Media