Dadka Somaliland oo si cajiib ah uga fal-celiyey wicitaanka MW Farmaajo & Muuse Biixi

0

(Hargaysa) 02 Abriil 2022 – MW DF Somalia ayaa khadka telefoonka kula hadlay MW Maamulka Soomaaliland, Muuse Biixi Cabdi, isagoo Alle uga baryey in ganacsatadii ku xoolaha beeshay uu bedel khayr qaba u birbiriyo.

MW DF ayaa sidoo kale sheegay in wixii karaankooda ah ay la garab istaagayaan dhibanayaasha ku xubayroobey dabkii xalay xaalufiyey Suuqa Waaheen ee magaalada Hargaysa, iyadoo uu Muuse Biixi ka mahadceliyey wicitaanka MW Somalia.

Yeelkeede, dadwaynaha Somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga fal-celiyey wicitaanka tacsida ah ee MW Farmaajo oo ah nin inta badan lagu xanto inuusan damqasho badan u muujin dhibaatooyinka ka jira dalka guud ahaan, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo uu ku sugan yahay.

Madaxweynaha aan dadkiisa u tacsiyadayn Ee anaga no quudhey Waa mahadsan yahay Ee dadka kale Ee Soomliyeed hoos u Eeg xildhibaanada iyo hablaha la gumaadayo waayo Naf Iyo maal aniga nafta bini’aadamka baa tacsi u baahan Oo qaalisan,” ayuu soo qoray Max’ed Jaamac.

”Geesi geesi dhaley ….Somalia waxay i tustay dareen khaas ah. Somalia ha Noolaato from Hargeysa,” ayuu yiri Cabdisamad Xariir.

Farmaajo waxa uu Hargeisa ugu deeqayo ha ugu deeqo dhiiigga Muslimiinta ah ee qulqulaya mar kasta iyo hooyooyinka ubadkooda maalin kasta waayay iyo kuwa baqdinta kula nool Hargeisa iyo Somaliland waxba ugama baahna shalayba manu haysan maantana Alle yaa nala jira reer Hargeisow ha qaadaninin soor quudheed,” ayay soo jeediyey Iqbaal Max’uud Cali.

Dadka xamar ku dhibaataysan maxay indhahaagu u qaban waayeen farmaajo,Hargeisa waxa ku dhacay ha inoo dambeeyee?” ayuu waydiyey Cabdulqaadir Canshuur.

Waanu u mahadcelinayna cid kasta oo nala qaybsatay murugada gacanna ka gaysatey Alle haydin karaameeyo dhammaantiin,” ayay tiri Fardowsa Xila Janno.

”MW Somalia ha caawiyo dadkiisa Muqdisho. Maalin kasta baahi ayay u dhimanayaan,” ayuu af Ingiriisi kusoo qoray Shariif Axmed.

Kuwa uu Madaxwaynaha u yahay ee uu habeen iyo maalin gumaadayo wax ka waydiiya kuwan waxba kaagama baahna Somaliland waa dad iyo dal tashaday,” ayay ku doodday Hodan Xuseen.

Dadka u madaxwaynaha u yahay baa kaga baahan tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara.” ayay ku doodday Xaliimo Cali.

Hadalsame Media