COWS JIILAAL: Maraykanka oo Ruushka ka maarmi waayey & jawaab shuruudaysan oo loo jeediyey

0

(Hadalsame) 02 Abriil 2022 – Madaxa Hay’adda Hawada Sare ee Ruushka ayaa sheegay in uu soo jeedin doono qorshe lagu soo afjarayo iskaashiga ay la leeyihiin reer Galbeedka iyo Japan ee saldhigga Hawada Sare ee Caalamiga ah (ISS).

Hadalka maanta ayaa imaanaya iyadoo ay Ruushku ka jawaabayaan cunaqabateynta lagu soo rogey Moscow kaddib weerarkii ay ku qaadday Ukraine, kaasoo la bilaabay bishii Febraayo.

Dmitry Rogozin wuxuu sheegay in Roscosmos ay dhawaan soo bandhigi doonto “soo jeedintooda ku saabsan jadwalka dhammaadka iskaashiga ISS ee Maraykanka, Canada, EU, iyo Japan, sida ay sheegtay Wakaaladda Hawada Sare ee dalkaasi.

Sida laga soo xigtay Rogozin, shaqada wadajirka ah ee Saldhigga Caalamiga ihi uma sii socon karto sidii caadiga ahayd haddii aan xayiraadda laga qaadin Ruushka.

“Mawqifka lammaaneyaasheenu waa cad yahay: cunaqabataynta lama qaadi doono,” ayuu Rogozin ku qoray baraha bulshada. “Hadafka cunaqabataynta ayaa ah in la dilo dhaqaalaha Ruushka, dalkeenna lagu soo rogo rajo-xumo iyo gaajo, si uu jilbaha dhulka u dhigto. Sida iska cad way fashilmi doonaan, laakiin hadafyadoodu waa cad yihiin.” Ayuu yiri.

Tani waa sababta aan u aaminsan ahay in soo celinta xiriirka caadiga ah ee Saldhigga Hawada Caalamiga ah iyo mashaariicda kale ee wadajirka ihi ay suurtagal yihiin oo keliya marka si buuxda oo shuruud la’aan ah loo qaado cunaqabateynta sharci-darrada ah, sida uu yiri.

Madaxa Roscosmos ayaa soo xigtey waxa uu ku sheegay warqado uu ka helay NASA, Hay’adda Hawada Sare ee Canadian Space Agency (CSA), iyo dhiggeeda Midowga Yurub ee European Space Agency (ESA).

NASA iyo CSA ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay sii wadaan iskaashiga ISS, halka ESA ay sheegtay in ay arrintan si gaar gaar ah ugu gudbin doonto dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Hadalsame Media