Dal NATO ka tirsan oo dammaanad qaadaya in aan Ukraine abid ururkaa ku biiri doonin

0

(Hadalsame) 02 Abriil 2022 – Dalka Ruushka ayaa marar badan, xitaa kahor intaanu weerarka qaadin, ku doodayey mooqifkiisa ku aaddan sida aanu abid u aqbalaynin in ay Ukraine ku biirto Gaashaanbuurta NATO.

Talyaanigu ayaana haatan wuxuu si firfircoon u raadinayaa inuu nabad ka dhaliyo Ukraine wuxuuna diyaar u yahay inuu noqdo dammaanad qaade dhexdhexaadnimada waddankaasi, sida uu maanta sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda Talyaaniga, Luigi Di Maio.

Diblomaasiga ugu sarreeya Talyaaniga ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii uu magaalada Baku kula kulmay dhiggiisa Azerbaijan, Jeyhun Bayramov.

“Talyaanigu waxa uu si aan kala joogsi lahayn uga shaqaynaynaa in khilaafkan la dhammeeyo iyada oo aan marna laga tanaasulin hilinnada diblomaasiyadeed.

Sii wadida wada xaajoodyada u dhexeeya dhinacyada iyo xabbad joojinta bini’aadminnimo ayaana ah mudnaanta 1-aad,” ayuu yiri Di Maio, oo qiray in “horumar” la sameeyay intii lagu jiray wadahadalladii Ruushka iyo Ukraine ee Turkiga horraantii toddobaadkan.

”Roma waxay ugu dambeyntii diyaar u tahay inay dammaanad ka noqoto maqaam dhexdhexaadnimo oo suurtagal tahay in Ukraine la siiyo, taas oo ku waajibin doonta waddankaasi inuu ka fogaado la jaanqaadka gaashaanbuur kasta oo millateri oo aanay Moscow ka raalli ahayn,” Di Maio ayaa raaciyey.

Yeelkeede, waloow aanu Talyaanigu ka mid ahayn dalalka aadka sanka uga marmaraya, misna Ruushka ayaa horay u caddeeyey in aanu dib u aamini doonin reer Galbeedka marka ay timaado dhexdhexaadinta iyaga iyo Ukraine, maalin uun kahor shirkii Isniintii ka furmay Istanbul ee uu Turkigu garwadeenka ka ahaa.

Hadalsame Media