Hal arrin oo ay ka siman yihiin suuqyada Bakaaraha & Waaheen +tillaabada loo baahan yahay

0

(Hadalsame) 03 Abriil 2022 – Suuqyada furan ama iskuraranta ah sida kan Hargeysa ee xalay gubtay waa halbawlaha nolaleed ee inta badan dadyowga magaalooyinka Soomaalidu ku tiirsan tahay.

Suuqyadaas oo ay ugu caansan yihiin kan Muqdisho ee Bakaaro iyo Waaheenka maanta bas beelay, waqtigan oo suuqtada casriga ahi (malls) ay dhulalka Soomaalida ku soo badanayaan ka sokow in ay yihiin miskiin koriyayaal danyartu lacag aan badnayn inta la soo galaan ay nolol ka samaynsan karaan, waxa ay leeyihiin muhiimad taariikheed iyo mid dhaqan oo in la dhawro u baahan.

Waa “hidde” laga dheehan karo sooyaalka iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Sidaas darteed si looga ilaaliyo musiibooyinka dabka iyo jeebwaynta doonaysa in ay suuqyadaas carwooyin (malls) u beddalaan danyartana barakiciyaan waa in suuqyadaas si gaar loo ilaaliyo.

Goobaha suuqyadan ku yaallaan u ma baahna in jidad waawayn laga bixiyo ee waxa ay u baahan in loo sameeyo wadiiqooyin yar yar oo “interlock alleyways” ah kuwaas oo haddii musiibo dab dhacdo baabuurta damdamisku soo geli karaan.

Waxa kale oo ayaduna muhiim ah in suuqyadaas loo sameeyo goobo ay ku jiraan tubbooyinka biyaha (fire hydrant points) kuwaas oo booyadaha dabdamisku ka dhaansadaan, inta markii dab kaco booyaduhu goobo fogfog biyaha ka dooni lahaayeen.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media