”Waxay ka faa’iidaysan karaan khilaafka Ukraine!” – Dal Muslim ah oo laga cabsanayo inuu weerar ku qaado deriskiisa

0

(Hadalsame) 01 Abriil 2022 – Ra’iisul Wasaaraha Armenia, Nikol Pashinyan, ayaa ku eedeeyay Azerbaijan inay isku dayayso inay abuurto marmarsiiyo ay ku qaadayso “Weerar ballaaran oo ka dhaca Armenia iyo Nagorno-Karabakh.”

Nagorno-Karabakh waa gobol waloow ay Azerbaijan leedahay misna intiisa badan ku hoos jirey maamulka Yerevan tan iyo burburkii USSR ee 1991-kii. Yeelkeede, dayrtii 2020, ayay Armenia iyo Azeri-gu ku dagaallameen muddo gaaban, waxa ayna ku dhammaatay in Baku uu guulo wayn gaarto, taasoo keentay in Ruushka oo Armenia horay ugu taageerayey halkaasi uu sheego inuu heshiis nabadeed samaynayo oo soo dirayo ciidan nabad ilaalineed.

Ha yeeshee, Pashinyan waxa uu aaminsan yahay in “Baku ay isku dayayso inay sharciyeeyso weerar ballaaran oo lagu qaadayo Armenia iyo Nagorno-Karabakh.”

Waxaa jira walaac wayn oo ka jira dhanka Yerevan oo ah in Azeri-gu ay ka faa’iidaysan karaan xaaladda hadda jirta halkaas xilli uu Ruushka ku mashquulsan yahay khilaafka Ukraine.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu rajo ka muujiyay in, inkastoo ay sare u kacday xiisadda xiriirka laba geesoodka ah, kulanka uu dhowaan Brussels kula yeelan doono Madaxwaynaha Azerbaijan ee Ilham Aliyev iyo Madaxweynaha Golaha Yurub ee Charles Michel 6-da Abriil uu miro dhali doono.

“Waxaan mar kale muujinaynaa sida ay Armenia diyaar ugu tahay in ay heshiis nabadeed la saxiixato Azerbaijan. Armenia waxay diyaar u tahay in si degdeg ah ay u bilaabmaan wada xaajoodyada nabadu.” ayuu rajeeyey Pashinyan.

Hadalsame Media