Maraykanka oo laga bilaabayo in aan baasaboorka lagu xusin lab & dhedig wixii aad tahay & dood ka taagan

0

(Washington, DC) 01 Abriil 2022 – Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday Khamiistii in ay bixin doonto dookh saddexaad oo dhanka jinsiga ah oo la yiraahdo ‘X’ oo baasaboorka dalkaasi lagu bilaabayo Abriil 11.

Beddelka baasaboorka ayaa ah mid ka mid ah siyaasadaha ku wajahan isbeddelka jinsiga ee uu soo saaray Maamulka Biden.

Dada qaata baasaboorka ‘X’ ma aha inay bixiyaan wax dukumeenti caafimaad ah si loo caddeeyo waxa ay yihiin lab iyo dhedig midna, war saxaafadeed ka soo baxay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken ayaa sidaa lagu sharraxay.

Bayaanka ayaa intaa ku daray in ‘X’ ay u taagan tahay dada leh “aan la cayimin ama aan la aqoonin jinsi ay yihiin,” sida uu qeexay Blinken oo taa ku sheegay “ixtiraam loo sameeynayo gaarnimada shakhsiyaadka iyada oo la horumarinayo bulsho loo dhan yahay.”

Baasaboorkii ugu horreeyay ee jinsiga ka madaxbannaan ee uu Maraykanku bixiyo ayaa dhab ahaantii la soo saaray bishii Oktoobar 2021 ee la soo dhaafay, saddex bilood kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Dibedda ay dadka siisay ikhtiyaarka ah inay jinsigooda beddelaan iyada oo aan looga baahan dukumiintiyo caafimaad si ay u caddeeyaan isbeddelkooda.

Waqtigaas, Maamulka Biden wuxuu ballanqaaday inuu siin doono dadka la siinayo ikhtiyaar dhanka jinsiga ah oo saddexaad horraanta 2022-ka, go’aankaas oo ay ku qosleen dadka muxaafidka ah oo maadsi ka dhiganayey dhanka baraha bulshada.

Hadalsame Media