“Waxay gaysteen weerar culus!” – Ukraine oo lagu eedeeyey inay gudaha u gashay Ruushka oo ay kaabe muhim burburisey

0

(Moscow) 01 Abriil 2022 – Ruushka ayaa Ukraine ku eedeeyey inay dayuurado dagaal oo kuwa qumaatiga u kaca ay xadka ka tillaabiyeen kaddibna ku weerareen kayd shidaal wax noqon kara duullaankii ugu horreeyey ee lagu qaado ciidda Ruushka tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine, haddii uu xaqiiqoobo.

Ukraine ma aysan xaqiijin in ay weerarka qaadday, taasoo keentay in su’aalo la iska waydiiyo in Sirdoonka Ruushku ay sabab u yihiin.

Barasaabka Ruushka ee gobolka Belgorod, Vyacheslav Gladkov, ee xuduudka la leh Ukraine ayaa sheegay in subaxnimadii hore ee maanta in laba diyaaradood oo Helicopter ah nooca Mi-24 ay ka gudbeen xadka iyaga oo joog hoose ku socda kahor intaysan gantaalo ku garaacin goob saliidda lagu kaydiyo oo 25 mayl u jirta xadka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa isna sheegay in aanu xaqiijin karin ama aanu dafiri karin wararka ku saabsan ku lug lahaanshaha Ukraine ee duqaynta maadaama aanu haynin xog ciidan, sida uu Reuters u sheegay.

Wasaaradda Difaaca ee Ukraine kama aysan jawaabin codsi inay arrintan ka hadasho taasoo shaki wayn abuuraysa.

Tiro ka mid ah falanqeeyayaasha caanka ah ee Ukraine ayaa ku andacoonaya in weerarku noqon karo “sheeko been ah” oo loola jeedo in loogu qiil sameeyo duullaanka Ruushka ama lagu xumayn karo natiijada wada xaajoodka labada dhinac.

Jimcihii, Afhayeenka Kremlin-ka Dmitri Peskov ayaa sii huriyay wararkan xanta ah isagoo sheegay in weerarku uu carqaladayn karo wada xaajoodka, in kasta oo uu ka gaabsaday inuu ku dhawaaqo wax jawaab ah oo la taaban karo oo ku saabsan weerarka la sheegay.

“Waxa dhacay xaqiiqdii maaha wax la dareemi karo inay abuurayaan xaalado ku habboon sii wadida wada xaajoodyada.” Ayuu yiri Peskov.

Waxaa sidoo kale maanta gubtey dhibow hubka lagu kaydiyo iyadoo uu gobolkani muhim u yahay sahay siinta Ciidanka Ruushka.

Hadalsame Media