AMISOM oo maanta bilowday qorshe ammaan oo lagu wajahayo Garoonka Diyaaradaha & Xalane + 2 Ujeeddo

0

(Muqdisho) 01 Abriil 2022 – Taliska Guud ee AMISOM ayaa daboolka ka rogey qorshe ammaan oo boorka looga jafayo habacsanaan muuqatey maalmihii dambe iyagoo maanta gebi ahaanba joojiyay dhaq-dhaqaaqyo badan oo ka socdey gudaha ee Garoonka Diyaaraddaha Muqdisho iyo qeybaha kale ee Xerada Xalane.

Sida ku cad warqad kasoo baxday AMISOM, waxaa maanta soconaya baaritaanno culus iyo xaqiijin ammaan oo lagu sameeynayo Garoonka Diyaaraddaha iyo Xerada Xalane.

Waxaa shirkaddaha, ganacsatada iyo ajaaniibta deggan xerada Xalane maanta lagu wargeliyay in ay hakiyaan wixii dhaqdhaqaaq ah sida dhismaha, howlaha caadiga ah sida gawaari mayrista iwm ee ka soconayey Base Camp.

Yeelkeede, waxaa howlahan hubinta ammaanku aanay saamayn doonin oo Garoonka Rayidka ah geli kara ka duuli kara kana soo degi kara dadka musaafurka ah, waxaa sidoo kale gudaha Xalane loo fasixi doonaa shaqaalaha lama huraanka ah, kuwaasoo laakiin maraya baaritaanno dheeraad ah, iyadoo ay howshani soconayso ilaa berri oo Sabti ah 2-da Abriil.

Arrintan ayaa salka ku haysa 2 arrimood oo ay midi tahay weerarkii dhowaan lagu soo qaaday irid ka mid ah kuwa aaggan aadka loo ilaaliyo iyo tan kale oo la xiriirta in AMISOM ay u diga roganayso ATMIS oo ku shaqayn doonta hab-raac ammaan oo ka yara duwan midkii hore.

Hadalsame Media

Facebook Comments