Ruushka oo si lama filaan oo nabdoon dhul uu qabsaday 24-kii Febraayo ugu wareejiyey Ukraine

0

(Hadalsame) 01 Abriil 2022 – Ciidamada Ruushka ayaa bilaabay in ay ka baxaan Wershada Tamarta Nukliyeerka ee Chernobyl, oo ah goobtii ay ka dhacday musiibadii waynayd ee 1986-kii, sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka ee IAEA.

Ruushka ayaa xaruntan la wareegey bishii Febraayo, bilowgii ololihiisa millateri ee Ukraine. IAEA waxay intaa ku dartay in ciidamada Ruushka ay sidoo kale ka baxeen magaalada u dhow wershaddan ee Slavutych, halkaas oo qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha wershaddu ay ku nool yihiin.

Wakaaladdu waxay soo xigatey ilo Ukraine ah iyadoo sheegtay in qaar ka mid ah Ciidamada Ruushku ay weli ku sugan yihiin goobta, laakiin waxaa “loo malaynayaa” inay isku diyaarinayaan inay sidoo kale baxaan.

“Ukraine maanta waxay ku wargelisay IAEA in Ciidamada Ruushka ee gacanta ku hayey Wershadda Tamarta Nukliyeerka ee Chornobyl (NPP) tan iyo 24-kii Febraayo, ay soo gudbiyeen qoraal muujinaya inay ku wareejiyeen maamulka wershadda NPP shaqaale reer Ukraine ah iyagoo laba kolonyo oo ciidan ah u dhaqaajiyey dhanka Belarus,” Wakaaladda IAEA ee fadhigeedu yahay Vienna ayaa sidaa sheegtay.

Agaasimaha Guud ee IAEA, Rafael Mariano Grossi, ayaa sheegay in wakaaladdu ay kala hadlayso Ukraine sidii ay gargaar iyo taakulayn farsamo ugu diri lahayd Chernobyl “maalmaha soo socda”.

Ruushka ayaa qabsaday wershadda iyo nawaaxigeeda intii lagu guda jirey duullaankii ku wajahnaa Kiev ee dhanka waqooyiga.

Yeelkeede, kaddib wadahadallo nabadeed oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Talaadadii, Wasiir Xigeenka Gaashaandhigga Ruushka, Alexander Fomin, ayaa sheegay in Moscow ay “si wayn u dhimi doonto dhaq-dhaqaaqa millateri” ee ka socda caasimadda Ukraine.

Hadalsame Media