Dal VETO leh oo soo jeediyey in la taageero dhismaha Ciidamada Ammaanka Somalia

0

(New York) 01 Abriil 2022 – Ku xigeenka ergeyga rigliga ah ee Shiinaha u jooga Qaramada Midoobey, Dai Bing, ayaa sheegay Khamiistii in beesha caalamka looga baahan yahay inay sii wadaan taageerada ay Soomaaliya ka siinayaan dhanka ammaanka.

Xilligan, xaaladda ammaan ee Soomaaliya waa mid cakiran, taasoo lama huraan ka dhigaysa in beesha caalamku ay sii wadaan taageerada ay Soomaaliya ka siiyaan dhinaca amniga, ayuu ku sheegay mar uu sharraxaad ka bixinayey codeyntii Golaha Ammaanku uu meel mariyey qaraar lagu taageerayo dib-u-qaabaynta Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa loo bedeley howlgal kala-guur ah (ATMIS).

”Muddadii 15-ka sano ahayd ee ay Soomaaliya joogeen, howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika waxa uu ahaa mid kaalin muhiim ah ka qaatay ammaanka iyo xasilloonida dalka,” ayuu yiri Dai.

Kaddib wadatashiyo degdeg ah, Soomaaliya, AU, Qaramada Midoobey iyo daneeyayaasha kale waxay ku heshiiyeen dib u habeynta howlgalka.

”Shiinuhu wuxuu taageerayaa horumarinta Golaha Ammaanka ee sharciyadda ATMIS wuxuuna rajeynayaa in dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay xoojiyaan isku-dubbaridka geeddi-socodka fulinta waajibaadka ATMIS ayna si dhow ula shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya si ay uga caawiyaan inay si tartiib tartiib ah ula wareegto mas’uuliyadda koowaad ee amniga qaranka.” ayuu yiri isagoo soo jeediyey in la dhiso ciidanka maxalliga ah.

Golaha Ammaanka ayaa khamiistii si wada jir ah u ansixiyay qaraar lagu taageerayo dib u habeynta howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo dhimista marka dambe ee ciidamada shisheeye si ay DF ula wareegto ammaanka.

Hadalsame Media