FALANQAYN: Afar qodob oo koobaya qiiradii ka muuqatey khudbaddii RW Rooble (Maxaa khaldan?!)

0

(Hadalsame) 31 Maarso 2022 – Falanqeyn khudbadii xalay uu jeediyay RW Rooble oo tafaasiil iyo tafaasiir kala duwan laga bixiyey. Dadka qaar ayaa ku micneeyey inuu muujinayey sida ay xaaladdu u adag tahay, halka ay dadka kale ku micneeyee nin aad u jilacsan oo aan u diyaarsanayn la xaalidda xaaladda iyo xasaradda taagan, sidoo kale qaar ayaa qaba in warkiisa iyo erayaynta khudbaddiisu ay ka hooseeyeen heerkii laga doonayey qof Madax Qaran ah.

Haddaba, Cabdulqaadir Nadaaraa ayaa falanqayn kooban ka sameeyey khudbaddii Rooble:

Waxaan dhageystay Qudbadihii Xalay ee RW Roble & masuuliyiin kale ay ka jeedeeyiin xafladdii baroor diiqda ee AUN Walaasheen Amina Mohamed waxaa iiga soo baxday dhawr qodob oo muhiim ah inaynu fiirino.

1. Sidii aan tuhunsanaa in Roble uusan gacan ku hayn Amni Shacab & Amni Doorasho midna, iyo in isagiiba uu yahay gacan ku ganbad.

2. In Mohamed Abdullahi Farmaajo uusan rabin in dalka ay Doorasha ka dhacdo hadii uusan boobi karin.

3. Rooble wuxuu u gacan haatiyay inta garan karta khatarta ku soo wajahan oo u baahan in si feejignaan ah loogu gurmado.

4. In Roble lagu garab istaago in dalka Doorasha ka dhacdo sida ugu dhaqsaha badan si dalka uu uyeesho Dowlad sharciyad leh.

5. Rooble hadalkiisa wuxuu inoogu cadeeyay in shaki la’aan ay wada shaqeeyaan Masuuliyiinta sare ee dawlada qaarkood iyo kooxaha Argagixisada ah.

Hadaba waxaa iswaydiin leh hadiiba Rw Rooble oo ah madaxa ugu sareeya dawlada uu leeyahay waa la ii hanjabayaa oo baqi maayo, yaa laga sugayaa xalka arintan?

Allaw sahal umuuraha.

Qore: Nadaara

Hadalsame Media