Sweden oo hadda ogaatey xog cabsi badan oo ku saabsan dayuurado Ruush ah oo…

0

(Stockholm) 30 Maarso 2022 – Laba dayuuradood oo Ruushan ah oo beri dhowayd dul haadey hawada Sweden ayaa la ogaadey inay xambaarsanaayeen hubka nukliyeerka, sida uu sheegay TV Swedish ah.

Waxay ahayd 2-dii Maarsk oo ku beegnayd markii uu Vladimir Putin heeganka geliyey ciidankiisa nukliyeerka, markaasoo ay 4 dayuuradood oo Ruush ihi ay soo galeen hawada Sweden dhanka gasiiradda Gotland oo ku dhex taal Badda Baltic.

Sida uu haatan baahiyey TV4, 2 dayuuradood oo ah nooca Sukhoi 24, ayaa xambaarsanaa madaxyo nukliyeer ah iyadoo ay gelbinayeen 2 kale oo ahaa Sukhoi 27.

Sweden ayaan ku jirin NATO balse duullaanka Ukraine ayaa usoo dhoweeyey ururkan oo ay iskaashi dhow haatan la leedahay.

Ciidanka Cirka Sweden oo awalba heegan ku jirey ayaa 4 dayuurad oo ah nooca Swedish-sameega ah ee Jas-39 Gripen kiciyey si ay hawadooda uga bixiyaan dayuuradahan oo ay sawirro ka qaadeen.

Millateriga Sweden oo ay arrintani ku qaadatay 1 daqiiqo ayaan iyagu si rasmi ah weli uga hadlin waxa ay dayuuraduhu sideen, waloow ay xaaladda xilligaa ku tilmaameen mid “aad halis u ah.”

Hadalsame Media