Gabar Soomaali ah oo siyaasi ah oo baxar wayn ku gashay taageero ay u muujisay dhirbaaxadii Will Smith (Dad soo jeediyey in xilka laga qaado)

0

(Oslo) 31 Maarso 2022 – Ubax Aadan oo ah gabar Soomaali ah oo horay uga tirsanayd Golaha Degaanka Oslo ayaa waxaa ku dheggan warbaahinta dalkaasi, kaddib markii ay si sahlan iskaga taageertay dhirbaaxadii uu Will Smith ku dhuftay maadyahanka Chris Rock, iyadoo ay wax ka qoreen warbaahin waawayn sida Nettavisen iyo qaar kale.

“Si xun baan u garaaci lahaa kaddibna waan furi lahaa haddii uu halkaa iska fadhiyo oo aanu fal-celin. Yaa wax ku falaya nin aan xiniinyo lahayn. Shaqo wacan Will Smith,” ayay Ubah kusoo qortay baraha bulshada.

Ubax ayaa deeto cambaarayn kala kulantay dadwaynaha oo ku eedeeyey inay gacan ka hadal weliba meel maxfal ah ka dhacay ay dhiirrigelinayso, waxaana Ubax oo markii dambe masaxday qoraalkaasi ay ku doodday inaysan rabsho taageeraynin balse ay khalad u arkaysey in lagu wiirsado xanuunka Jada Pinkett Smith, sida ay u sheegtay warqaadka Avisa Oslo.

– Anigu ma taageersani rabshad, siyaasi ahaan iyo qof gaar ah ahaan midna. Rabshadu waxay dhalisaa rabshado kale, Will Smith siyaabo badan ayuu arrintan u xalin karey. Wuxuuse doortay qaabkii ugu xumaa ee uu dooran lahaa, wuuna ka qoomameynayaa,” ayay dib kasoo qortay Ubax oo qoraal kale oo mowqif bedel ah soo dhigtay Facebook.

Ubax oo ay sidoo kale dadwayne badani weerar kusoo qaadeen ayay qaarkood usoo qorayeen in ”maadaama ay taageertay gacan ka hadalka Smith ay sidoo kale Jada ku raacsan tahay gogol-dhaafka ay horay u qiratay.”

”Weerar jireed ee lagu qaado majaajiliiste hadda ma yahay wax loo sacbiyo? Runtii? Ma bilaabi karnaa in aan isku dhegno oo is feerno inta lagu guda jiro doodaha Kulturhuset,” ayuu is waydiiyey Espen Goffeng oo ah doodyahan.

”Waxaan isku dayayaa in aan halkan kuugu fasiro macnaha ugu fiican, caradaadu waxay ka iman kartaa oraah uu qof kaga soo gudbey xadkiisii, laakiin marka aad wax ku dhufato waxaad sidoo kale adna ka gudubtey xuduudka qofka kale. Runtii, waxay ku roon tahay inay carruuri wax garaacaan intii ay dadka waawayn sidaas samayn lahaayeen. Rabshadu maaha xuduud samayn.” ayuu yiri hoggaamiyaha kooxda Oslo Rødt ee Evenrud.

Ubax Aadan oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha Norway islamarkaana ah tala bixiye ka ah hay’adda dhaqanka iyo isdhexgalka degmada Oslo ayaa haatan xitaa lasoo jeediyey in laga tuuro xubinnimada xisbiga xilkana laga cayriyo.

Soomaali badan ayaa dhacdooyinka soo kordha uga fal-celiya qaab qiiro ku dhisan iyadoo aan wax badan laga fikirin khaladka ku jira arrintaasi amaba jahawareerka anshax (moral dilema) ee la socon kara.

Hadalsame Media