DHEGEYSO: Ruushka oo Ukraine keenay miino ”dhegeysanaysa” saanta qofka & hay’ad caalami ah oo qayladhaamisay

0

(Hadalsame) 31 Maarso 2022 – Ruushka ayaa lagu eedeeyey inuu adeegsanayo miinooyin dunida mamnuuc ka ah oo ka ”dhegeysanaya” tillaabada qofka gacan wareeggiisu dhan yahay ilaa 50 cagood.

Human Rights Watch ayaa sheegtay POM-3 oo ah lidka dadka (anti-personnel) ayaa qaar aan qarxin laga helay magaalada go’doonsan ee dalka Ukraine ee Kharkiv tiiyoo ay jiraan axdiyo caalami ah oo mamnuucaya in la adeegsado halistooda dartood.

Miinadan ayaa waxaa ku rakiban dareemaha ‘seismic detector’ ee dhul-gariirka lagu ogaado, waxayna awood u siinaysaa inay dareento saanta iyo jaqaf jaqafta qofka markaasoo uu fiyuuskeedu qarxinayo miinada iyadoo firir u kala diraysa 180 digrii.

Isticmaalka miinadan ayaa waxaa caalamka laga mamnuucay 1997-kii xilligii Banaankii Caalamiga ahaa ee Mamnuuca Miinada ee Mine Ban Treaty. Ruushku kuma jiro 164-ta dal ee saxiixay balse Ukraine waa saxiixday.

Stephen Goose, oo ah Agaasimaha Qaybta hubka eE Human Rights Watch, ayaa yiri: ‘Hubkani ma kala sooco dagaalyahannada iyo dadka rayidka ah waxana ka ka tagaa dhaxal laayaan ah.

Halkan hoose ka dhegeyso warbixin uu ka diyaariyey Max’ed Xaaji, tifatiraha Hadalsame Media.

 

 

Hadalsame Media