Koox caro la qaacaysa kaddib markii ciyaarteeda loo dhiibey garsoore kasoo dagaallamay Afghanistan (Ninka VAR fadhiya ayaa ka daran)

0

(Hadalsame) 31 Maarso 2022 – Kooxda AC Milan ayaa ber dhowayd si wayn uga cabanaysey in garsoorayaal dhowaangal ah oo kulamadeeda loo saaraa ay wax badan ka kharribeen natiijada kulamo badan, sida kulankii Spezia oo Milan laga diidey gool sax ah iyadoo faawal loo dhigay, waxaa dheer kulankii Udinese oo lagu saxay gool gacan lagu taabtay, midkii Napoli oo Giroud oo dhulka dhiifa loo tixgeliyey inuu active yahay, taasoo keentay in la diido gool barbarro ahaa oo ay Milan dhalisay.

Haatan, waxaa Milan markale ciyaarta ay Bologna la leedahay qabanaya garsoore aan kaliya dhowaangal ahayn maadaama uu 10 kulan oo qura dhexdhexaadiyey balse sidoo kale kasoo dagaallamaya dalka Afghanistan, gaar ahaan intii u dhaxaysey Nofeembar 2012 ilaa Abriile 2013. Waa Livio Marinelli oo qabanaya Milan-Bologna.

Intaa kaliya dhibku ma ahane waa Qolka VAR u fadhiya saaxiibkiis Aleandro Di Paolo. Kooxda Stefano Pioli ayaana taariikh xun la leh ninkan.

Tusaale, xilli ciyaareedkii hore waxa uu garsoore Fabrizio Pasqua ugu yeeray dib u eegis garoonka dhexdiisa si uu xaq-darro ugu eryo Sandro Tonali kulankii Benevento. Garsooraha kulanka laftiisu wuu khaldanaa, laakiin wicitaanka ayaan ahayn mid meeshaba ku jirey.

Ninkani wuxuu sidoo kale VAR fahdiyey kulankii Milan vs Verona isagoo aan sixin khaladkii fadeexada ahaa ee Alessandro Prontera oo Verona rigoore u dhigay tiiyoo ay caddayd inuu Nikola Kalinic faawalka ka galay daafaca Milan ee Alessio Romagnoli.

Di Paolo intaa kuma ekaane waxa uu mar kale fadhiyey VAR ciyaartii Milan-Napoli, markaasoo gool sax ahaa laga inkiray Rossoneri oo loo cuskaday inuu jirey hobseed uu ku jirey qannaaska Olivier Giroud, waloow ay caddayd inuu dhulka jiifey oo aan sidaa darteed loo tixgelin karin laacib dheesha ku jira (active player).

Hadalsame Media