“Ma aqoonsanin dokumentiyadiinna!” – Safaaradda Maraykanka ee Nairobi oo lagu eedeeyey inay Soomaalida faquuqdo

0

(Nairobi) 30 Maarso 2022 – Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa lagu eedeeyey inay faquuq ku hayaan Soomaalida fiisaha ugu geed fariisata.

Safaaradda ayaa sheegtay inaysan aqoonsanayn dhammaanba dokumentiyada laga soo saaro Somalia oo ay ku jiraan kuwa waxbarashada.

Waxay arrintani dhalisay in ay Soomaalidu waayaan ama ay ku adkaato inay fiise ka xasiliyaan Safaaradda Maraykanka ee Nairobi oo bishii Febraayo oo idil hal fiise siisay Soomaalida.

Yeelkeede, Maraykanka ayaa joogis diblomaasiyadeed oo rasmi ah ku leh Somalia isagoo aan laakiin sida dalal kale oo dunida ah aan aqoonsanayn dokumentiyada Somalia oo qaar badani aysan ku iman u qalmitaan waloow aysan kulligood khalad wada noqon karin.

Hadalsame Media