Kenya oo ku hungoowdey shidaal ay ka baaraysey dhul-badeed ay Somalia leedahay

0

(Lamu) 30 Maarso 2022 – Mlima-1, Ceelka Lamu Basin, oo ka baxsan xeebta Badwaynta Hindiya ee Kenya oo dhowaanhan lagu tirinayey in uu yahay ceelkii ugu horreeyey ee shidaal ee laga helo xeebaha Kenya, ayaa waxba laga waayey.

Natiijooyinka sahaminta ayaa waxaa soo bandhigtay shirkadda tamarta Talyaaniga Eni, waxayna muujineysaa inaanay halkaa ku jirin saliid ama gaas ganacsi geli kara, taasoo khasab ka dhigaysa in halkaa laga tago.

 Natiijadu waxay dhabarjab ku noqotay rajadii Kenya ee ahayd in ay noqoto waddan shidaal leh oo wax ku leh iyadoo ay Kenya filaysey in halkan ay ceegaagto saliid aad u fara badan.

Sahannada dhulka ayaa muujinaya in inta u dhaxaysa afar bilyan iyo 4.5 bilyan oo fuusto oo saliid ah laga yaabo inay hoos ceegaagaan gunta biyaha Badwaynta Hindiya.

Ceelka ku yaal Lamu Basin ayaa si wayn loo saadaalinayey inuu Kenya siin doono fursad kale oo ay ku noqon karto mid soo saarta saliidda, 10 sano kaddib markii shirkadda sahminta Ingiriiska ee Tullow Oil ay shidaalkii ugu horreeyay ee Kenya laga helo kasoo saartay gobolka Turkana ee koonfurta Lokichar, taas oo aan wali la iib gaynin.

Rajo wanaagsan oo laga sameeyo ceelka Lamu Basin waxa ay sii xoojin lahayd xiisadda Somalia-Kenya ee ku aaddan soohdinta badda iyada oo uu jiro muran soohdin-badeed oo kala dhexeeya Soomaaliya. Lamu Basin waxay ku taal dhulka lagu muransan yahay ee ay kenya sheegatay kaddib 2009-kii.

Hadalsame Media