Booliiska LAPD oo si halhaleel ah ku tegey guriga jilaaga Will Smith (Maxaa dhacay?)

0

(Los Angeles, CA) 30 Maarso 2022 – Booliiska Los Angeles ayaa looga yeerey guriga Will Smith 2 maalmood kaddib markii uu masraxa ku dhirbaaxay Chris Rock oo xiriirinayey Oscar 2022.

Sida uu qorayo Splash News, Booliiska LA ayaa halhaleel ku tegey guriga 53-jirkan oo ku yaalla Calabasas abbaarihii 2.40pm Talaadadii (29 Maarso).

Deputy Lizette Salcon, oo ah Afhayeenka LA County Sheriff ayaa Page Six u sheegtay in ay halkaa gurmad ku tageen markii la arkay daroon dul jooga guriga.

Yeelkeede, Deputy Salcon ma xaqiijinin cidda usoo yeertay inay tahay qof ka tirsan qoyska Smith iyo in kale.

Booliiska ayaanse meesha ugu tegin daroonka oo goobta ka cararay kahor intaysan goobta soo gaarin.

Hadalsame Media