Turkiga oo ku faraxsan duufaan dadka u daran oo kusoo socota & sabab la yaab leh oo ugu wacan + Sawirro

0

(Istanbul) 29 Maarso 2022 – Waxaa Turkiga kusoo socda ifafaale cimilo oo u daran dadka gaar ahaan kuwa qaba dhibaatooyinka caafimaad, balse u roon ciidda, waana dabayl saxare ciid badan xambaarsan oo kasoo socota dhinaca Africa oo maanta ku wajahan Turkiga iyo dalal kale.

Duufaantan oo laga dareemi doono inta badan galbeedka Turkiga ayaa ugu sii darnaan doonta Khamiista iyo Jimcaha oo ah berri iyo saadambe.

Turkey ayaa cimilo ahaan diirranaan kara todobaadkan marka laga reebo qaybaha bariga, iyadoo  uu heerkulku gaari karo min 5 digrii Celsius (41 digrii Fehrenheit) ilaa 10 digrii Celsius (50 digrii Fahrenheit) maanta.

Duufaantan siigada wadata, oo ka soo bilaabatay Waqooyiga Africa, ayaa raaci doonta cimilada gu’ga. Professor Hüseyin Toros, oo ah khabiir ku takhasusay saadaasha hawada oo ka tirsan Jaamacadda Farsamada ee Istanbul (İTÜ) ayaa u sheegay wakaaladda Anadolu Agency (AA) maanta, in boorka saxaraha ahi uu sii jiri doono ilaa uu ka baabi’i doono kaddib marka uu u guuro dhanka bariga dhamaadka usbuuca.

Toros waxa uu ka digey in boorka hawadu ku urursani uu saamaynayo dadka qaba dhibaatooyinka neefsashada oo ay saamayn ku yeelan karto difaacooda.

Waxa uu gaar ahaan ku boorriyey dadka waayeelka ah iyo dadka qaba dhibaatooyinka caafimaad darrada ee joogtada ah inay dabayshan ka muujiyaan taxaddar dheeraad ah, gaar ahaan Khamiista iyo Jimcaha.

Güven Özdemir, oo isna ah khabiir dhinaca saadaasha hawada ah oo ka tirsan jaamacadda Istanbul Aydin, ayaa sheegay in boorka saxaruhu uu aad ugu badan yahay Turkiga xilliga gu’ga, isagoo sida ciid nafaqo leh oo ka timid Afrika taasoo u wanaagsan badda iyo beeraha.

Özdemir ayaa sheegay in dabayshan boorku la socdaa ay sii mari doonto Talyaaniga, Giriiga iyo kaddib Turkiga, boorkuna uu si gaar ah ugu dhufan doono badda Aegean, Marmara, galbeedka Badda Madow iyo Galbeedka Badda Dhexe.

Wuxuuna xusay in boorkani sido macdan “dahabka ka qaalisan” oo faa’iidooyin badan leh. Marka ay dhulka ku dhacaanna ciidda hodminaya. Marka ay badda ku dhacaanna, waxay kordhiyaan macaadinta badda.

”Si ahaan, waa bacrimiyeyaal dabiiciga ah, “ayuu yiri. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu uga digey dadka qaba boronkiitada joogtada ah, qabowga, neefta iyo cudurrada kale inay iska ilaaliyaan inay dibadda u baxaan maalmaha uu boorkani jiro.

Hadalsame Media