6 tayo hoggaamineed oo muhim ah oo inta badan ka maqan madaxda Soomaalida

0

(Hadalsame) 29 Maarso 2022 – Qofka hoggaanka loo dhiibayo waa in uu intaan oo tilmaamood yeesho:

1. Waa in uu yahay qof caqli badan, garasho iyo garaad dheeri ah leh oo ka badan inta dadka badankiisu lee yihiin.

2. Dareen damqasho. Waa in qofkaasi lee yahay qalbi jilicsan oo ka damqada dhibaatooyinka dadkiisa haysta, gaar ahaan waa in uu yahay qof oohin ka imaanayso marka uu arko dhibaatooyinka dhaqaalaxumo, caafimaaddarro, nabad la’aanta iyo dhimahashada macnaddarrada ah ee dadkiisa haysata.

3. Waa in uu yahay qof leh aqoon guud, gaar ahaan waa in uu yahay qof aqoon u leh ama wax badan ka akhriyay taariikhda, dhaqaalaha, siyaasadda, sharciga, dhaqanka, diimaha iwm. Sidaa oo kale waa in uu yahay qof akhrisku caado u yahay oo boqollaal bog ama kumannaan waraaqood maalin walba akhrin kara. Qof aan wax akhrin hoggaan ummadeed ma qaban karo.

4. Xishood iyo anshax. Qof aan waxba ka xishoon anshax iyo dhaqan wanaagsanna lahayni hoggaamiye ummadeed ma noqon karo, mas’uuliyad ummadeedna loo ma dhiibo karo. Ummaddii u dhiibayaa waa ka shallaayi doonaan.

5. Dulqaad. Qofka hoggaamiyaha ahi waa in uu lee yahay garaad uu ku fahmi karo culayska mas’uuliyadda uu hayo iyo culayska in dad la hoggaamiyo. Waa in uu lee yahay dulqaad iyo adkaysi uu ku xammili karo ku na darawalin karo dabeecadaha qallafsan iyo doonista xad’dhaafka ah ee dadka. Waa in uu yahay qof iska la wayn aarsi iyo aano.

6. Run iyo xalaal quudasho. Hoggaamiye waa in uu runlow yahay ballamaha iyo axdiyada fulintooda uu naftiisa u huro laro. Sidaa oo kale waa in uu xalaal quute yahay oo iska la wayn xatooyo iyo tuuganimo.

Ka warran qof aan intaas lahayn ummadda uu horjoogaha u yahay?

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media