”Dib dambe uma aamini doonno reer Galbeedka!” – Ruushka oo la yimid shuruud adag

0

(Hadalsame) 29 Maarso 2022Ruushka ayaa muujiyey inuu u hanqal taagayo in xal diblumaasiyadeed laga gaaro khilaafka Ukraine, balse ma aqbali doono dhexdhexaadin kasta oo reer Galbeed ku jiraan inta lagu guda jiro wadahadallada ay kula jiraan Kiev oo haatan la soconaya Turkiga, sida uu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sergey Lavrov.

“Waxaan diyaar u nahay inaan fursad siinno diblomaasiyadda. Taasi waa sababta aan u aqbalnay wadahadalladan dib uga furmaya Istanbul, ” ayuu yiri Lavrov oo shir muuqaalka ku qabtay Isniintii shalay isagoo waraysi siinayey warbaahinta Serbia. 

Dowladda Turkiga oo xiriir wanaagsan la leh Ruushka iyo Ukraine, ayaa dedaal badan ku bixisay sidii ay labada dhinac isugu soo dhowaan lahaayeen miiska wada hadalka, ayuu yiri Lavrov.

Si kastaba ha ahaatee, looma baahna in lagu daro Midowga Yurub ama Maraykanka – kuwaas oo Kiev ku taageera iskahorimaadka kana horjeeda geeddi-socodka nabadda, sida uu sheegay wasiirku.

“Waxaa jira tusaalooyin badan oo muujinaya guulaha diblomaasiyadda ay burburiyeen asxaabta reer Galbeedku. Mar dambe lama aamini karo,” ayuu ku dooday Lavrov oo iftiimiyey inay burburiyeen wada hadalladii Ukraine Febraayo 2014 iyo misna Minska Febraayo 2015-kii.

Bishii Abriil 2014-kii, Midowga Yurub wuxuu noqday dammaanad qaadaha heshiiskii u dhexeeyey Madaxweynihii Ukraine ee la ridey ee Viktor Yanukovych iyo dibad-baxayaashii Maidan ee Kiev, Lavrov ayaa xasuusiyay daawadayaasha. “Waxay ahayd heerka ugu sarreeya ee diblomaasiyadda. Laakin, subixii xigey, mucaaradku way ku candhuufeen diblamaasiyaddaas, Midowga Yurubna wuxuu liqay candhuuftaas.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media