DEG DEG: Nin dad ku laayey afaafka Tel Aviv & dhimasho badan oo jirta (Daawo)

0

(Tel Aviv) 29 Maarso 2022 – 5 qof ayaa lagu diley toogasho ka dhacday Bnei Brak; Saraakiisha booliiska ayaa sheegaya in nin uu rasaas ku furay dad marayey xaafaddan oo ku taalla afaafka Tel Aviv; Dhacdadan ayaa timid kaddib markii horay loo sheegay inay dheceen laba weerar oo ay soo maleegtay kooxda Daacish.

Eli Bin, oo ah Madaxa Adeegga Aambalaasta ee Magen David Adom, ayaa sheegay in 5 qof lagu diley toogashada Bnei Brak, oo uu mid noqon karo ninkii weerarka gaystey, halkaas oo ay ku badan yihiin Yuhuudda asal raaca ah ee Hareediga ee midigta ah. 

Hal qof ayaa lagu xiray goobta, sida ay ku warrantay warbaahinta afka Cibraaniga ku hadasha, balse ma cadda in uu ku lug leeyahay weerarka dhacay iyo in kale.

Waxaa durba goobta soo gaarey dad weerarka ka fal-celinaya oo ku qaylinaya ”Carabtu ha dhimato!”.

RW Naftali Bennett ayaa la tashi amni oo ku saabsan weerarkan caawa ka dhacay bartamaha Israa’iil la yeelan doona Wasiirka Gaashaandhigga, Benny Gantz, Wasiirka Amniga Dadweynaha, Omer Barlev, Taliyaha Ciidamada Xoogga ee IDF, Aviv Kohavi, Madaxa Hay’adda Nabad Sugidda Shin Bet ama Shabak, Ronen Bar, Taliyaha Booliiska, Kobi Shabtai, iyo mas’uuliyiin kale oo amniga wax laga waydiiyo, sida kasoo baxday Xafiiskiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayuu kulankiisu dhici doonaa fiidnimo waqtiga maxaliga ah. Weli ma jirto cid wax laga saaray weerarkan ama mas’uuliyadda sheegatay, waxaase la tuhmayaa kooxda Daacish.

Weerarkan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli ay shalay Lama Degaanka Negev ay ku shirayeen madax Carbeed oo dhowaan xiriir la yeeshay Israel iyo qaar horay ula lahaa sida Masar.

Hadalsame Media

Facebook Comments