”Tillaabo la taaban karo ka qaada!” – Ruushka oo lagu dalbaday inuu weeraro ciidamada dal Muslim ah

0

(Yerevan) 29 Maarso 2022 – Armenia ayaa Isniintii ugu baaqday Ciidamada Nabad Ilaalinta Ruushka ee ku sugan Nagorno-Karabakh inay qaadaan “tallaabo dhab ah” si ay Ciidamada Azerbaijan uga saaraan qayb ka mid ah gobolka oo ay joogaan Ruushku, taas oo ah calaamad cusub oo muujinaysa xiisad sii kordheysa ee u dhexeysa labada dal ee deriska ah.

Xiisadda cusub ee ka soo cusboonaatay gobolkan xilli lagu guda jiro duullaanka millateri ee Ruushka uu ku hayo Ukraine, ayay Ciidamada Azerbaijan ay khamiistii sheegeen in ciidamadooda ay ka hortageen isku dayga kharbudaad ah oo ay sameeyeen canaasiir hubaysan oo ah Armenian si sharci darro ah ku jooga gobolka Nagorno-Karabakh ee dalkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Armenia ayaa shalay bayaan ay soo saartay ku dalbatay “in baaritaan lagu sameeyo waxqabadka Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Ruushka intii uu socday duullaankii Azerbaijan”, sida ay yiraahdeen.

“Waxaan filaynaa in Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Ruushka ee Nagorno-Karabakh ay qaadaan tillaabooyin la taaban karo si loo soo afjaro duullaanka cutubyada Azerbaijan ee aagga mas’uuliyadda nabad ilaalinta Ruushka,” ayaa lagu yiri bayaanka Armenia oo Ruushka ka doonaysa inuu ku taageero dulmiga ay ka samaynayaan gobolkan oo sharciyan ka tirsan Azerbaijan oo 2 sano kahor inta badan ka xoreeysay gobolkan.

Hadalsame Media