Nin Soomaali ah oo qof ay qol-wadaag ahaayeen ku dhuftay 111 toorri & marmarsiinyo waalli ah oo uu keenay

0

(Munich) 29 Maarso 2022 – Dhowr marqaati ayaa ka soo muuqday maxkamadeynta dilka iyo qoor-goynta qof derbi-jiif ah oo ka dhacay gobolka Lower Bavaria ee dalka Jarmalka.

Eedeysanaha oo la hor keenay Maxkamadda Degmada Deggendorf, ayaa ah 22-jir la sheegay inuu ninkan ku diley meel gabbaad laga siiyo dadka guri la’aanta ah bishii Luulyo 2021 isaga oo ku dhuftay ugu yaraan 111 toorri madaxana ka gooyey.

Ninka weerarka gaystay oo asalkiisu Soomaali yahay ayaa la dhigay isbitaalka dhimirka. Waxaana la sheegay in uu ku jiray xaalad shaqo la’aan ah. Si kastaba ha ahaatee, dacwad oogaha kiiskan ayaa ninkan horgeynaya maxkamad si loogu qaado dembiga, sida uu sheegay wargeyska Jarmalka ee Bild.

Laba nin oo baarayaal dhimir ah ayaa tafaasiil ka bixiyey in wadahadalo dhowr ah oo lala yeeshay eedaysanaha intii lagu jiray maxkamadaynta uu bixiyey xogo kala duwan oo uu mararka qaarkood u muuqday mid la yaabay in dhibbanuhu ​​uu dhintay, marna uu sheegay in ninka ay qolka wada degganaayeen uu isagu ka codsaday inuu dilo.

Dembiilaha ayaa ka hadlay codad madaxiisa ka soo baxaya iyo taallo gadaashiisa taagan oo indhaha ku haysa mar kasta. Waxa kale oo uu sheegay inuu ka baqayo in caqiidada Masiixiga uu ninka kale ku duro sida cajaladda Hard Drive ee kombiyuutarrada barnaamij-howleedyada loogu shubo.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha la dejin kari waayey kaddib markii lagu xiray xabsiga oo uu bixiyey aragti “waalan” oo marar badan madaxiisa ku garaacay gidaarka weliba si xoog badan, taasoo keentay inay dhowr askari xooggooda iskugu geeyaan inay xiraan, mid ka mid ah askarta ayaa ka jabay ricirrada gacanta bidix.

Hadalsame Media