Haweenay shiish macaan ah oo eber ka dhigtay Ciidanka Ukraine oo gacanta lagu dhigay (Dalka ay u dhalatay?)

0

(Hadalsame) 29 Maarso 2022 – Haweeney dadka wax shiisha ah oo la sheegay inay dishey ilaa 40 qof ayaa la qabtay kaddib markii sida muuqata ay mayd ahaan uga tageen Ciidanka Ruushku goob dagaal oo la isku riiqmay.

Haweenaydan oo la yiraahdo Irina Starikova – kuna howlgasha magaca Bagira – ayaa la sheegay inay kasoo jeeddo Serbia iyadoo ay reer Ukraine ugaarsanayeen tan iyo 2014-kii.

Ciidamada xoogga dalka ayaa ku dhawaaqay in la qabtay waxayna soo bandhigeen sawirradeeda, iyadoo haatan dhaawacyo laga dawaynayo.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in Starikova, oo la sheegay in ay tahay garoob laba gabdhood leh, ay mas’uul ka ahayd ‘dilka 40 qof oo ay shiish ku dishey, kuwaas oo ay ku jiraan dad rayid ah’, sida ay sheegeen.

Irina Starikova oo bidix taagan iyadoo sidata qori kuwa wax lagu shiisho ah

Hadalsame Media